SIYAASADDA MIYAA QIYAANA AH MISE SIYAASIGAA QAA’IN AH?

Siyaasaddu waa cilmi guda weyn, oo kaligii Sanado badan loo xereysto barashadiisa, qoraal iyo qoraallane laguma koobi karo waxa siyaasadi tahay, laakiin hadaan Soomaali nahay Sawir qaldan baan ka heysanaa Siyaasadda.

Siyaasaddu waa hannaan ama hab caddaaladeed bulsho meel wada dagto loogu qeeybiyo awoodaha siyaasadeed iyo midda kheeyraad ee ka dhaxeeyo bulshadaas, isla markaane waajibaad lagula xisaabtamo loogu dajiyo bulshada. Siyaasadda nuxurkeedu waa mujtamaca oo baraaro iyo barwaaqo la gaarsiiyo.

Siyaasadda waxa aan ku fasiri karnaa maamulidda shirkad saamileey lacago isku darsatay ka dhaxeeyso, taas oo koox yari maamusho inta kalane xisaab xirka sanadka la isugu yeero loona sheego qasaaro iyo faa’iido wixii soo kordhay, Mareeyaha iyo shaqaalaha kala ee shirkadda kala shaqeeyo sida ey rabaan hantida guud kama sameeyn karaan oo iyagu malahan, sidaas si la mid ah ayaa siyaasigu shaqaalo ugu yahay bulshadda, oo taladooda kuma tagri fali karo, ee waa inuu ugu adeegaa sida ay rabaan iyo habka ay doonayaan.

Soomaalida sooma marin waligeed siyaasiyiin dhisa dowlad sal adag,  oo u jeeddada laga leeyahay tahay ku furista bulshada berrin barwaaqo, sinnaan, is jaceyl, dhaqaalo dhisid iyo wax wadaqabsi. Haddii taasu soo mari laheed maalin qura doowladi kama burburteen. Siyaasiyiinta soomaalidu waxey siyaasadda macnaheeda u badaleen musuq maasqu aan xadeysneen , ina adeersi, laaluush qaadasho, isku dir beelo wada daggan, hanti gooni ah abuurasho, kaligii talisnimo iyo qaar kale oo badan.

Marin habaabinta siyaasi xumuhu fahanka aragtida siyaasadda ka sameeyay ma ahan mid la soo koobi karo. Habsami u socdka nolosha bulsho dhan fakar, maamul, dhaqan dhaqaale facibo facbuu ka dhaxlaa, oo waata odayadu marka ey la dardaarmayaan dhallinyarada ku dhaho; “Waxa aad tihiin madaxdii berri”.

“Ratiga yari ratiga weyn buu saan qaadkiisa leeyahay” dhallinyaradu kolka ey heer talin soo gaaraan waxa ey taladooda ku jaan gooyaan qaabkii ey ka dhaxleen jiilkii ka horreeyay. Ilaa maanta waxaa la’ layahay hab dhaqan siyaasadeedkii soomaaliya ka soo jiri jiray in la badalo.

Habkaas oo ahaa in siyaasadda loo fahmay in ey tahay tukaan ganacsigiisa dhaqso looga macaasho, hanti dag dag ahne laga sameeyo, in ninka darka siyaasadda loogu jiro uu noolaado, kaan loogu jirinna bannaanka gaajadu ku dubato. Fahanka qaldan ee dowladnimada iyo siyaasadda laga qaatay waxa aad ka fahmi kartaa maanta marka gole wasiirro ama mid baarlamaan la magacaabo meel kasto oo soomaalidu joogto in odayaal qabiil idaacadaha ka hadlaan, kuwaas oo ku doodayo in aan wasiir la siin ama diidayo wasiirka loo magacaabay nin beeshooda ka tirsan amaba ku doodayo in wasiirka gaashaan dhigga in la siiyo ey ku habboonaan laheed halka kan maaliyadda laga siiyay.

Bal isi su’aal; haddii wasiirka gaashaan dhigga loo magacaabo ma iyagaa wasaaraddaas la haanayo mise ciidamada xoogga dalka oo dhan ayaa beesha wasiirka ka imaanayo?.

Dadka sidaas u macneystay dowladnimada ma ahan kuwo qaldan, ee habkan qaldan ayaa siyaasi xumuhu dalka u soo xukumay. Afamiishaarka jufadu in uu u dagaallamo helista wasiir ama jago kale nin ey isku beel yihiin waxaa sabab u ah siyaasiga, maxaa yeelay, qasnad bulshadu wada leedahay ayuu si gaar ah uga naas nuujiyaa odayada heybta ey wadaagaan.

Siyaasiyiinta soomaalida waxa ey hantida guud badankood u isticmaalaan si gaar taas oo dhantaasho hora u socodka doowladnimo. Siyaasiyiinta waxaas oo is dabamarin ah sameeyo waxa ey shacabka kala hadlaan idaacadaha, fagaarayaasha iyaga oo dadka farayo in ey waddaniyiin noqdaan oo dalkooda iyo doowladdoodaba jaclaadaan.

Siduu waddankiisa iyo doowladdiisa u jaclaadaa muwaadin waayay waxii uu xaq u lahaa, muwaadin waayay shaqo uu shuruudaheeda buuxiyay, waayay passbort uu xaq u lahaa helistiisa, muwaadin waayay garsoor iyo cadaalad, muwaadin waayay la kulanka dhaqtar doowladeed ee uu sugayay in ka badan 6 saac isagoo xanuun haayo, muwaadin waayay waxa walbo ee uu xaq u lahaa ilaa ow laaluush ka bixiyo ama xafiiska dani ka soo gasho qofka fadhiyo qof ey macariif ama ehel yihii u soo wato?.

Doowladdii soomaaliya markii eey burburtay waxaa la bililiqeystay wax walbo oo dadka ka dhaxeeyay, xafiisyadii doowladda ilaa kuraas waa la qaatay ma waxaan eedda saarnaa muwaadinka aan ficil ahaan loo tusin in uu doowladda leeyahay mise siyaasi beeneedka waxaas oo xuquuq ah seejiyay muwaadinka?.

Ninka ey soomaalidu u taqaan siyaasi bannaanka ku dhacay waa ninka afmiishaarka ah oo indha sarcaadinta iyo beenta ku qaldo shacabka, ninka isaga oo dadku biyo la’aan iyo harraad u dhimanayaan ama biyo calaw ah cabbayaan isla soo taago waa been dadku mooyo saxo ayey cabayaan meel walbo ceel biyood ayaa burqanayo.

Ninka iyadoo carruur badani daacuun iyo shuban biyood u dhimanayaan yiraahdo xaaladdeenna cafimaad meeshii ugu wanaagsaneed ayey mareysaa. Ninka xaflado waa weyn qabsado ee fannaanintu magaciisa  heeso ammaan ah ugu qadaan sawirradiisa meel walbo lagu dhajiyo.

Habkaas qaldan ayaa sababay haddii maanta qof soomaaliyeed lagu dhaho waxa aan baran rabaa ama bartay siyaasad in uu kugula soo boodo cilmi kale oo aad wax xalaal ah ku shaqeysato miyaad weeysay, Siyaasaddu waa qiyaano iyo is dabamaris ee maad iska deeysid?.

Bashir Ali Hashi
bashkacali9@hotmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook