opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Abwaan Guure oo lagu soo dhaweeyay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud +SAWIRO

Share

Munaasabad lagu soo dhaweenayo Agaasimaha Idaacada Kulmiye ahna Abwaan Soomaaliyeed Cismaan C/laahi Guure ayaa maanta lagu qabtay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud,fariisin u ah Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Xaflada Soo dhaweynta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Siyaasiin ,Odayaal iyo Ururada Bulshada Ee Degmada Cadaado iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka ,iyadoona sidoo kale Xaflada lagu Taageerayay Heshiiskii Shalay Madaxtooyada Soomaaliya ka dhacay ee Maamulka Ximan iyo Xeeb uu ku Taageeray Maamul u sameeynta Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Abwaan Cismaan C/laahi Guure oo ka hadlay Xaflada lagu soo dhaweeyay ayaa umahadceliyey Bulshada Maamulka Ximan iyo Xeeb,waxaana uu sheegay in Degmada Cadaado uu ka jiro Amaan la isku haleeyn karo.

Agaasimaha Idaacada Kulmiye Cismaan C/laahi Guure oo Socdaal ku jooga Qeybo ka mid ah Gobolada dhexe ee Dalka ayaa hore waxaa sidaan si lamid ah loogu soo dhaweeyey Degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Ahmed roble
Wardoonnet@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook