AC.Milan Oo Shaacisay In Mario Balotelli Uu Ka Tagay Kooxda.

Bogga ay Internet-ka ku leedahay kooxda AC.Milan ayaa lagu shaaciyay goor dhaw in weerar yahankii kooxda ee Mario Balotelli uu katagay kooxda.

Waxaa lagu soo qoray Bogga AC.Milan:

“Mario Balotelli wuxuu katagay Milan saacadu markay ku beegneed 1:30 duhurnimo ee xiliga talyaaniga kadib markii uu macsalaameeyay laacibiinta iyo shaqaalaha kooxda”.

Liverpool ayaa dadajinaysa Saxiixa Balotelli si ay u ciyaarsiiso kulanka isniinta ay ka hortagayaan kooxdiisii hore ee Man City taas oo sii shidi doonta xamaasada uu leeyahay kulan kaas.

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook