Al-Shabaab oo lagala wareegay Deegaano horey gacanta ugu hayeen +SAWIRO

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee kasocda Dalka Jabuuti ayaa maalmahan waxa ay howlgalo kawadeen deegaano duleedka ka ah Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan Deegaanadaas ay gacanta ku hayeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Huwanta ah ayaa gaaray lana wareegay deegaano dhoor ah oo gacana ugu jiray Al-Shabaab , waxaana deegaanada ay Ciidamada Dowada iyo kuwa AMISOM la wareegeen ay yihiin deegaano miyi ah ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo la socda Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee howlagalada wada ayaa sheegay in Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhoor ah oo kuyaala Duleedka Magaalada Baladweyn.

Gudoomiyaha ayaa xusay in howlgalada ay Gobolka kaga xureenayaan Al-Shabaab uusan joogsan doonin ayna sii xoojinayaan ilaa Gobolka Hiiraan laga waayo sida uu tilmaamay dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa la tilmaamaa in howlaglada ay kasameeyaan Deegaanada Miyiga ah in aysan kusii nagaan ayna dib uga soo laabtaan taas oo saameyn ku yeelata dadka dagan deegaanadaasi isbadalada uu ka dhaco.

SHAB1
SHAB2
SHAB3
SHAB4
SHAB8
SHAB5
SHAB6
SHAB7

Ahmed Roble
Wardon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook