Alshabaab Oo Reer Buulo Mareer Ku Amray Inay Isaga Cararaan Guryahooda Markii Ay Ciidamda Dowlada Sogalaan Magaalada

War kasoo baxay Alshabaabka Gobolka Sh/hoose, ayaa waxaa lagu sheegay in Shacabka ku nool Deegaanka Buula-mareer aysan ku sugnaan Karin deegaanka haddii ay gasho gacanta DF.

Horjoogayaasha Alshabaab ee Deegaanka Buula-mareer oo ka war helay in Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ku wajahan yihiin Deegaankaasi, ayaa waxa ay shacabka ku wargaliyeen in gabi ahaan ay faarujiyaan Deegaanka islamarkaana u Qaxaan Deegaanada ay Alshabaab ka arimiyaan.

Horjoogayaasha ayaa sheegay in Qoyskii kasoo horjeesta Ammarkaasi ay waafajin doonaan waxa uu Sharcigooda qabo.

Dadka Deegaanka Buula-mareer ee Gobolka Sh/hoose, ayaa waxa ay warbaahinta u sheegen in Alshabaab ay ku amreen inaysan aadi Karin goobaha ay Dowlada ka arimiso, islamarkaana ku sugnaan Karin Deegaanka, balse wadada kaliya u furan ay tahay inay la qaxaan Kooxda.

Amarkaani kasoo baxay Alshabaab ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Kooxda laga saaray inta badan Goobaha ay kaga sugnaayen Dalka Somalia, iyadoona ay iminka ku harsan yihiin dhowr Tuulo oo fara ku tiris ah.

Dhanka kale, Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ayaa u ruqaansaday Deegaanada ay Kooxda kaga sugan yihiin Sh/hoose, gaar ahaan Buula-mareer.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook