Arsenal iyo Chelsea Oo Isku Haysta Loic Remy.

Arsenal ayaa soo qaaday dagaal goordambe  ah oo ay Chelsea kaga afduubanayaan saxiixa weeraryahanka Queens Park Rangers  Loic Remy.

Remy ayaa laga saaray maalintii shalay liiska xiddigaha kooxdiisa ee la ciyaarayay kooxda  Sunderland iyadoo tababare Harry Redknapp uu xaqiijiyay in ciyaaryahanka uu ku dhowyahay kooxda Chelsea.

The Telegraph ayaa qoreysa in Arsenal iney diyaar latahay £10.5milyan balse ilo lagu kalsoonyahay oo laga helayo Stamford Bridge ayaa sheegaya in Chelsea ay ku kalsoontahay in Remy uu dooran doono kooxdooda.

Inkastoo oo Weeraryahanka QPR uu ku soo guuldareystay tijaabada caafimaad ee Liverpool,kooxahan ayaa diyaar u ah iney ku qaabilaan xaalad walba.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook