Bare Hiiraale OO Loobalan Qaaday Kursiga Fartaag

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku guuleeysatay in deegaanka Goobweyn ee gobalka Jubada Hoose kasoo wado Barre Hiirale iyo sidoo kale ciidamo badan oo isaga uu hogaaminaayay.

Hadaba Warbaahinta Wardoon.net ayaa heshay xog ku saabsan Hiiraale oo xil cusub lagu qancinaayo kaa oo uu ka qaban doono maamulka KMG ee Jubba.

Waxaa la sheegay in xilka Jeneraal Fartaag isaga loo magacaabi doono, waayo Fartaag ayaa sheegay in Walaalkii Barre u tanaasulaayo si nabad loo helo.

Fartaag ayaa maamulka Axmed Madoobe waxa uu u dhiibi doonaa xil kale oo aad u muhiim ah, waxaana la filaayaa in shirka markii uu dhamaado ka dib uu Fartaag xilkaasi iska casilo, Axmed Madoobena uu soo magacaabo Hiiraale.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook