Bare Hiiraale Oo Loomasaafurin Doono Muqdisho Xog Hoose

Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaaya in Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale loo soo musaafurin doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dib markii laga keenay deegaanka Goobweyn.

Waxaa jira hadal xoogan oo durba ka bilaabatay magaalada Kismaayo taa oo sheegaysa in Barre Muqdisho loo wadaayo, islamarkaana uu horay u raaci doono wasiirada DF ee Muqdisho ka yimid.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in diyaaradii qaadi lahayd wasiirada ay taagan tahay Garoonka magaalada Kismaayo, hase ahaatee qorshaha ayaan xaqiiq ahayn.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa horay u dalbaday in Barre Hiiraale Muqdisho loo wado, islamarkaana ciidamada hub ka dhigis lagu sameeyo, waana midda keentay in laba dhinac loo kala safto.

Si kastaba ha ahaatee Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa ayaa si aan la arag loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, gaar ahaan xerada ciidamada Cirka ee magaaladaasi.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Bare Hiiraale Oo Loomasaafurin Doono Muqdisho Xog Hoose”

  1. cali dhuux says:

    Klma ahan in xamar la kee ayo waayo ciidankiisu maxey ka qabanayan kismayo la.aanta barre. Barre xitaa hadii hubka qiyano looga dhigo hgdr ayaa taageeraysa hub ahaan iyo ciidan ahaan Ciao iqyaarta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook