Barre Hiiraale oo fahmay qiyaano cusub uu lasoobaxay axmed madoobe kana booday (xog hoose)

Waxaa fashilmay dadaalo lagu doonaayay Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Xoogagiisa in lagu geeyo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii Maamulka Kmg ah ee Jubba uu la yimid sharuudo.

Labada dhinac, ayaa waxaa lagu waday in si sharuud la’aan ah ay ugu kulmaan Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay kaga wada qaybgalaan shirweynaha dib u heshiisiineed ee 21-ka bisha September beelaha Jubbooyinka iyo Gedo loogu qabanaayo Magaalada Kismaayo.

Korneyl Barre Aadan Shire, ayaa Arbacadii duleedka Magaalada Kismaayo kula kulmay saddex ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliya iyo wefdi ka socday Igad, waxayna u soo bandhigeen in si sharuud la’aan ah uu ugu laabto Magaalada Kismaayo. Barre Hiiraale waa uu soo dhaweeyay, balse markii wefdigaan ku laabanayeen Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu raaciyay saddex ka mid ah Saraakiishiisa, si ay horudhac ugu noqdaan qorshihii uu Kismaayo dib ugu laaban lahaa.

Ergada uu diray Barre Hiiraale, ayaa waxaa horkacaayay Taliyaha Ciidanka Goobweyn Korneyl Cabdi Cigaal Jaamac, si ay u soo qiimeeyaan goobo markaasi la sheegay in la dejin doono Xoogagooda.

Saddexdaan nin, ayaa waxay Khamiistii shalay ay Magaalada Kismaayo kula kulmeen Madaxa Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Wakiilka Igad ee Somaliya Amb. Maxamed Cabdi Affey iyo General Gabre Heard, oo ah Wakiil ka socdo Dowladda Itoobiya. Waxayna u sheegeen hadal ka duwan midkii Arbacadii.

Xubnaha matalaayay Barre Hiiraale waxaa loo sheegay in deegaanka Goobweyn oo 11km ka baxsan Kismaayo, ayna xarun u tahay Xoogaga Barre Hiiraale, inay ka ag-dhow yihiin Shabaabka, isla-markaana aan la aamini karin Ciidamada Barre Hiiraale, lana soo gelin karin Kismaayo, iyadoo aan lagu samayn hub ka dhigis.

Korneyl Cabdi Cigaal Jaamac iyo labadii nin ee kale ee la socotay, ayaa waxaa u cuntami weyday dalabka loo soo bandhigay, waxayna sheegeen in dalabaadkaan aanu qayb ka yihiin wixii lagu heshiiyay Arbacadii, isla-markaana aysan iyagu aqbali karin, ilaa ay ugala laabtaan Hogaankooda Barre Hiiraale

General Gabre Heard iyo Amb. Maxamed Cabdi Affey, ayaa waxay xilligaasi ka dib la kulmeen Wasiirada ka socdo Xukuumada Somaliya ee booqashada ku joogga Magaalada Kismaayo, iyagoona u sheegay in Ergada Barre Hiiraale ay ka dhaadhiciyaan in hub ka dhigis lagu sameeyo Xoogaga Goobweyn.

Wasiiradaan oo kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane iyo Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa shir gaar ah xalay la yeeshay xubnaha ka socdo Barre Hiiraale. Waxayna ka codsadeen inay aqbalaan hub ka dhigista la soo jeediyay in lagu sameeyo, isla-markaana ay balanqaadayaan in la dejin doono xero ciidan oo ku taala Kismaayo. Hase ahaatee way ku gacan sayreen.

Ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo, ayaa Warbaahinta wardoon.net u sheegay in Wasiirada ay Ergadaan u muujiyeen in xoog lagu heysto Magaalada Kismaayo, ha yeeshee ay arrintoodu ula noqon doonaan Madaxda Dowladda, isla-markaana ay go’aan mideysan ka qaadan doonaan wax ka bedelka lagu sameeyay, waxyaabihii ay ku wada heshiiyeen Arbacadii.

Wasiiradu waxay maanta xoogga saari doontaa, sidii Ergada Korneyl Hiiraale loogu fasixi lahaa inay dib ugu laabtaan deegaanka Goobweyn, oo maalin ka hor ay ka soo raaceen.

Sarkaal ku dhow Barre Aadan Shire, ayaa Warbaahinta Wardoon.net u sheegay in Barre Hiiraale uu u arko is bedelka lagu sameeyay heshiiskii la gaaray, sida Maamulka Jubba iyo Dowladda Kenya aynaan u doonayn, in dib u heshiisiin sax ah loo sameeyo beelaha Jubbooyinka iyo Gedo.

Sarkaalkaan, ayaa intaa ku daray in Barre Hiiraale uu ogsoon yahay in ay wada dagaalameen Axmed Madoobe sanadkii hore, isla-markaana aanu ku qanci karin in kiligii uun hub ka dhigis lagu sameeyo.

Iskusoo wada-duuboo arrintaan, ayaa waxay meesha ka saareysaa rajadii laga qabay in ay wada hadlaan Hiiraale & Madoobe iyo inay ka soo wada muuqaan shirweynaha dib u heshiisiineed ee Kismaayo lagu qabanaayo bisha soo socoto.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Barre Hiiraale oo fahmay qiyaano cusub uu lasoobaxay axmed madoobe kana booday (xog hoose)”

  1. maxamed says:

    waxay aniga igu muqata in mesha khalad ka jiro,1aad Con.barre Hirale hadi uu hub iyo cidan magalada laso galo waxa bilabanaysa Dagaal,tas shaki kuma jiro,con barre hirale waxuu raba in uu qori caradi kismanyo kula wargo,qofkasta oo wax garada waa ogyahay oo arintan u dhuun dalala,wasirada barre gobween ugu tegay maxa ka qaldana??,side ku dhici karta 2 cidan oo ciil iyo cadawad udhaxayso in magalo lowada dajin kara??,mise waxay rabeen in markale lays faro saro?oo mesha aay noqoto goob dagal,arinta kale oo mesha tal meel dawladi kataliso side lo oran kara nin jabhad ah oo dagal wax ku onaya oo cidan sameysatay,in uu isla simo nin ladortay oo kuma kun oo ergo sharci ah xilka ku hantay,oo wasiro leh oo xildhibanadii udirasan yihin DFS,iyo besha calanku aqon santahay,in nin nabdiid ah oo laqan lays garab dhigo ,waa khalad,hadii ninkan aay ka dhab tahay in uu nabad qato,muqdisho halo kaxeyo halkasna halagu hayo cidamadda uu kharibay hubka halaga dhigo hala haniniyo oo waxii khaladka aha ee uu kushubay halaga shubo,iyagana qof qof halo kala badalo makhrib iyo maqshib.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook