opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Beesha Layla Kase Oo Sheegtay Inay Kagoday Puntland Maamul Cusubne Samaysatay+ COD

Share

Siyaasiinta waawayn ee Beesha Laylkase ayaa shir ay MAANTA isugu yimaadeen magaalada GALKACAYO, ayaa ku dhawaaqey maamul cusub sheegeyna in maanta wixii ka dambeeya aysan ka mid aheyn MAAMULKA PUNTLAND.

Maamulkan CUSUB ayaa si ku meel gaar ah uu Madaxweyne u doortey Cabdikariim Aadam Xassan Wagaafe kaasoo la sheegay in lagu magacaabo Galbeedka Mudug “West Mudug”.

Mudane Cabdikariim Aadam Xassan Wagaafe waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxa ku kalifay in waqtigaan looga dhawaaqo Galbeedka Mudug,xilli dhulka looga dhawaaqay ay Puntland sheegato, waxaana uu yiri “Baahi timi awgeed baanu u sameysanay maanta laga bilaabana deegaanada Galbeedka Mudug waxa ay ka Madax-banaan yihiin Maamulka PUNTLAND.

Isaga oo ka jawaabaya meesha uu ka dhisan yahay Maamulkaan cusub ee uu madaxda ka yahay Cabdikariim Aadam Xassan Wagaafe ayaa waxa uu yiri “Maamulkaan waxa caasimad u ah magaalada Gaalkacyo xuduud waxa dheer waxa uu la leeyahay wadanka Itoobiya maamul goboleedka Puntland, iyo GalMudug”.

MADAXWEYNAHA Maamulka Galbeed-ka MUDUG Mudane Cabdikariim Adam OO ka jawaabaya sida uu u arko maamulka dhawaan ay Dowlada Fedraalka ka sameyneyso Goboladda Mudug iyo Galgaduud waxa uu yiri: “Waan taagersan nahay maamulkaas waana ka qeybgaleynaa hada waana lanagu martiqaaday oo hada Xamar wafdi ka socda maamulka aan madaxda ka ahay ayaa mardhow tagaya MUQDISHO IYO CADAADO.

HALKAN KADHAGAYSO
Ahmed roble
Wardoonnet@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook