Booliska Kenya oo gacanta kudhigay nin lala xiriiranayo Al-Shabaab oo la qabtay isagoo wata 23 Baasaboor

Ninkan ay Ciidamada Kenya gacanta ay ku dhigeen oo lagu magacaabo Karimjee Ahmed Ali ayaa waxaa lagu qabtay isagoo wata illaa 23 passport oo leh magacyo kala duwan.

Sarkaal ka tirsan booliska degaanka Mutomo oo magaciisa la yiraahdo Thomas Ngheiwha ayaa xaqiijiyay in ninkan looga shaki qabo inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-shabaab maadaama lagu qabtay isagoo wata 23 passport.

“Qofkan waxaynu xirnay xili uu ku sugnaa degaanka Kitui waxaana uga cabsi qabnaa inuu Al shabaab xiriir la leeyahay” ayuu yiri Thomas oo saxaafada la hadlay.

Sarkaal kale Kenyan ah lana hadlay wargeyska The Standard ayaa sheegay in ninkan la’aamisanyahay inuu yahay sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan balse baaritaanku uu ku socdo .

HALKAN KA AQRI HADAAD ENGLISH TAQAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Booliska Kenya oo gacanta kudhigay nin lala xiriiranayo Al-Shabaab oo la qabtay isagoo wata 23 Baasaboor”

  1. aniga waxaan la yaabanahay nin waliba la qabto maxaa loo dhahaa alshabaab Baasboor iyo alshabaab maxaa iska galay ok mida kale aduunka quf kale danbi ma galo miyaaa mise waxii xun alshabaab ayaa iska leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook