Ciidamada Barre Hiiraale oo loo ogolaaday inay degaan Goob muhiim ah Oo Kismaayo Kutaal

Maalmahaan waxaa muran badan ka tagnaa Baraha Ciidamada Gobweyn ay ka dagayaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayado la wada og yahay in Magaaladaasi u soo garay Col Abdi Cigaal oo ah Khabiir Milatary.

Goobaha u  col Cabdi Cigaal so sahamiyay ee Maamulka  Axmed Madoobe ay ka biyo diideen ayaa waxaa ka mid ahaa Controolka Sacmooja ee Magaalada Kismaayo.

Controolka Sacmooja wa mid ka mid ah gobaha  ugu Istratijisan ee ciidan ka dago Magaalada Kismaayo waxaa uu isku xiraa Magaalada Kismaayo iyo deeganada Galbeedka ka xiga Kismaayo  sida deeganada BEERXAANI, QUDUS iyo deegano kale oo badan waxaa uu  u xafad ahaan hoose yimada   Xafad weynta Calanley.

Sababaha u Col Cabdi Cigaal u dortay  in u Base ka dhigto  Controolka Sacmooja ayaa waxaa lagu sheegay in Base kaasi uu isku xiri karo Deeganada beesha Sade ee Galbeedka Kismaayo iyo waliba  Gobolka Gedo  waxaana dood badan ka dib  IGAD,AMISOM iyo Dowlada Somalia ay isku raaceen in lo ogolaado goobaha ay soo sahan sadeen  Saraakiisha Ciidamada Gobweyn.

Dhanka Kale deeganka Gobweyn ee Duleedka Kismaayo ayaa waxaa wali ka socda  Diyaar garowga Ciidamada Gobweyn ay ugu soo ruqansan lahayeen Magaalada Kismaayo  waxaana Wufuudi IGAD,AMISOM iyo Dowlada Somalia  Col Barre Hiiraale  u ka codsaday in lo dulqaato  inta Ciidama Gobweyn lo diyaarinayo Ruqansi Madaama Ciidanka uu badan yahay una bahan yahay Diyaar garow …

Waxa hada lo xayiran yahay waa Saraakisha Ciidamada Gobweyn oo ayagu wali dalbanaya in Waqti dheeri ah la siiyo  mana  cada qorshaha ay ka leeyihiin waqtiga dheeriga ah marka laga reebo diyaarinta Ciidan garaya 2500 Askari oo aan howl yar ahayn.

Dhanka kale Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa dagaan waxaana socda Qorshe Magaalada loga saarayo  Ciidamada Axmed Madoobe  laguna dajinayo duleedka Kismaayo ayado Amaanka Magaaladana lo xil saari doono Ciidamo ka kala imanaya  Isbahaysiga iyo Maamulka Axmed Madoobe oo aan wali tiradooda la cayimin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook