opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ciidamada Somaliland Oo Xoog Kuqabsaday Saaxdheer

Share

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Saax-Dheer ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Somaliland iyo Ciidamo daacad u ah Maamulka Khaatumo State uu halkaasi ka dhacay.

Ciidamo katirsan Maamulka Somaliland ayaa saakay aroor hore waxa ay dhoor jiho ka weerareen Deegaanka Saax-Dheer ee Gobolka Sool halkaas oo maanta lagu waday in ay ka dhacdo Caleemo saarka Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

Dagaal aad u Culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay Deegaanka Saax-Dheer, Warar aan helany ayaana sheegaya in Ciidamada Maamulka Somalilad in ay gudaha u galeen ayna la wareegeen deegaankaasi.

Wali lama ogaan karo Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhasay dagaalka saakay ka qarxay Deegaanka Saax-heer ee Dhawaan lagu doortay Maxaweynaha Khaatumo maantana la filayay in ay ka dhacdo xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale war laga heyn halkii ay ku dambeeyeen Masuuliyiinta Maamulka Khaatumo State iyo xubno kale oo saakay la filayay in ay ka qeyb galaan Xaflada Caldeemo saarka Madaxweynaha Khaatumo State.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

2 thoughts on “Ciidamada Somaliland Oo Xoog Kuqabsaday Saaxdheer”

  1. cali dhuux says:

    Ascwrwb …in dad la dilo oo cadaawadi dhacdo xal laguma gaari karo caqligu ha shaqeeyo walaalayaal alaha xaqa idin tusiyo..àaaamiiin

  2. khadra says:

    Waxa muuqata in somaliland tahay dàl maanta tashaday.waa wadan ummadda somalidu ku faani karto.waligay maskaxda ma galin in nuuraddin faraha (qoraaga weyn) in uu booqan doono dhul soomaali leedahay. Dhawaan markii uu somaliland uu booqday waxa gashay ididiilo. Ragga iyo haweynka qurba colaadda ka soo abàabulayaa waa in ay somaliland indhahooda ku soo arkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook