Ciidamda Nabad Sugida Oo Gacanta Kudhigay Nin Katirsanaa Burcad Badeeda Isaga Iyo Hubkiisaba

Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen Hogaamiye katirsanaa Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida iyo hub uu lahaa.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Nabad Sugida ayaa Howlgal waxa ay ka fuliyeen Guri kuyaala Xaafada Laba Dhagax ee Gobolka Banaadir waxa ayna howlgalkaasi kusoo qabteen Maxamed Cabdi Gafaaje oo ahaa Hogaamiye sare oo katirsanaa Kooxaha Burcad badeeda.

Ciidamada Nabad Sugia ayaa guriga Hogaamiyahan katirsanaa Burcad Badeeda Soomaalida waxa ay kasoo qabteen hub badan oo nuuca yar yar iyo hub kale oo la sheegay in uu heestay Ninkan Burcad badeeda katirsanaa.

Maxamed Cabdi Gafaaje iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu xiray xarun ay Ciidamada Nabad Sugida ku leeyihiin Magaalada Muqdisho , mana jirin wax iska hor imaad ah oo dhax maray Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaalada Hogaamiyahan katirsan Kooxda Burcad badeeda.

Dowlada Soomaaliya ayaa maalmahan Magaalada Muqwdisho waxa ay ka waday howlgalo gaar ah o hubka looga dhigayo Hogaamiyaal iyo Siyaasiyiin hubeesan oo kusugan qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Ahmed Roble
Wardoon.netgmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook