Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Ay Goal.com Bixiso Ee Ah Laacibka Ugu Fiican 2013/2014.

Shabakada Goal.com oo iyagu sanadkasta bixiya abaal marinta 50-ka ciyaaryahan ee ku tartama bilada Goal 50 ayaa sanadkan waxay akhristayaasha iyo saxafiyiinteedu ku soo doortugu doorteen in uu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii 2013/2014 xiddiga Cristiano Ronaldo..

Ciyaaryahankan Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay wacdaro ka dhigay qaar kamid ah garoomada yurub isagoona goolal sida daadki oo kale ah u dhaliyay kooxdiisa Real Madrid, waaana si gaar ah loogu xasuustaa 17-kii goo lee rikoorka uu ku jabiyay in uu yahay xiddiga ugu gool dhalinta badan tartanka Champions League.

Wadar ahaan marka la,isku daro Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid iyo xulkiisa Portugal wuxuu u dhaliyay 51 gool.

Hadaba Ronaldo ayaa bilada Goal50 ku guulaystay, Arjen Robben ayaa kaalinta labaad ka galay halka uu xidigii biladan difaacanayay ee Messi kaalinta saddexaad uu isna galay.

Si kastaba Messii iyo Ronaldo ayaa abaal marintan ka siman labadooduna waxay ku guulaysteen min sadex jeer.

HALKAN KA AQRI HADAD ENGLSIH TAQAAN

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook