C/weli gaas oo ku hanjabay in Puntland gooni u goosaneyso +COD

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay in Puntland mowqif adag ka qaadatay arrimaha Federaalka iyo Dowladda Dhexe ee Somalia, islamarkaana aysan yeeli doonin in lagu xad gudbo.

Waxa uu Gaas farta ku fiiqay wada hadalo ay beesha caalamka iyo siyaasiyiin wadaan ay socdaan.
C/weli Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in haddii wada hadaladaasi ay beesha caalamka ku dooneyso in la isku soo dhoweeyo Puntland iyo Dowladda Dhexe uu meel gaari waayo in Puntland ay qaadi doonto tallaabo cod oo go’aankeedu meel yaal isla markaana gorgortan ka geli doonin midnimada iyo jiritaanka PL.
C/weli Gaas ayaa soo hadal qaaday dhismaha maamulka Gobolada Dhexe oo Mudug qeyb ka tahay, taasoo uu sheegay in aysan u cuntami doonin Puntland, gorgortan iyo wada hadalna ka geli doonin arrimahaasi.
HALKAN KADHAGAYSO GAAS
Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook