opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dhagayso: Faysal Waraabe Oo Yiri Wax suuro gal ah noqonkarto in Garoowe looga taliyo soomaaliya

Share

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa weerar ku qaaday Ergayga gaarkaa ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicklos Kay oo ku sugan Magaalada Hargeisa wuxuuna u gudbiyey warqad uu ku sheegay in dagaalo ka bilaaban doonaan Soomaaliya “maamul goboleedyo garoowe u taliso oo Reer reer ah socon maayo, Wax Jubaland la yidhaah majirto, waa Reer Soo kaxaystay Kenyan”

Faysal ayaa sheegay inaysan marnaba Wax suuro gal ah noqon karin in Garoowe looga taliyo soomaaliya, Wuxuuna Sidoo kale weerar ba’an ku qaaday madaxwaynihii hore ee Soomaliya maxamed Siyaad bare “War maxaa naga dhexeeya Tuulada Reerka yar ee Majeerteen ee dagan yaha, Idinka ayay waxa wayn idinla yihiin, oo Maydkiina geeya, Anagu waan is naqaan”. ayuu yidhi faysal.

Faysal waraabe ayaa sheegay Inay ahayd Inay Soomaliya ka taliyaan Jabhadii Riday Dawladii maxamed Siyaaad bare ee SNM & USC, “Waxay ahayd inay ka taliyaan Soomaliya Jabhadii USC & SNM, Muqdisho iyo hargeisa waa inay heshiiyaan, Maanta Tuulada Garoowe ayaa ka talinaysa Soomaaliya”

Geesta kale waxaa la waydiiyey Doorashadii Madaxwaynaha Maamulka khaatumo, “Wax Saamayn ah naguma yeelanayso, Afwayne ayaa Nagu yeelan waayey Saamayn, Cali khaliif waxba ma samayn karo, Waa Reer yar oo meel fadhiistay” Ayuu yidhi.

Ahmed Roble
Wardon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook