Daawo Liibiya Oo Udarsatay Qadaafi + Maleeshiyoyin Jidka Iskucayrsanaya

Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli iyo gobolo ku yaal dalkaas waxaan weli ka holcaya dagaalo macno daro ah oo u dhaxeeya maleeshiyaad taageersan dowlada iyo kuwo cidna aanan ka amar qaadan oo hubkii Milatariga Liibiya u gacan galay.

Wadanka Liibiya oo ahaan jiray dal Qani ah oo aad u dhisan ayaa waxaa iminka ka jira colaado wajiyo badan xambaarsan waxaana xaafad iyo degmo kasta la isku duqeeyaa gawaarida Tiknikada , Baasuukeyaal iyo Qoriga loo yaqaan Dabajeexa.

Tan iyo markii la riday xukuumadii Marxuum Mucamar Al Qadaafi waxaa aad u sii xumaanayay xaalada dalka Liibiya waxaana masuuliyada dhibaatada ka taagan dalka Liibiya dusha laga saaray ciidamada gaashaanbuurta NATO oo awood ahaan xukunka kaga tuuray dowladii milatariga dalka Liibiya taas oo sababtay in hubkii milatariga dalka Liibiya uu u gacan galo maleeshiyaad aad u fara badan iyo shacab aanan xirfad u leheen.

Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook