opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Daawo Sawirada Jaamacadda SIU oo soo bandhigtay Meydad ay Ardayda Caafimaada Qaliin ku baranayaan

Share

Jaamacadda SIU oo uu saldhigeedu yahay Maqaaladda Muqdisho ayaa maanta markii ugu horaysay Soomaaliya daah furtay Anatomy Lab casri ah oo ay yaalaan maydad iyo simulators.

Jaamacaddaha SIU iyo Kenyatta oo sii xoojinaya heshiis iskaashi oo waxbarasho oo ay wada galeen horaantii sanadkaan ayaa suurta geliyay furitaanka laabka Anatomy-ga oo ah noocii ugu horeeyay Soomaaliya.

Kuliyadda Caafimaadka ee Jamacadda Kenyatta ayaa Anatomy Labka ee Jaamacadda SIU ugu deeqday shan Mayd

Anatomy lab-kaan waxaa loo isticmaali doonaa barid iyo barasho, waxaana kawada faa’iidaysan doona ilaa 950 arday oo kala dhigata: Medicine. Nursing, Public Health iyo Pharmacy iyo shaqaalaha Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda SIU iyo dhamaan ardayda Soomaaliyeed.

Barashada Anatomyga waxay udub dhexaad utahay barashadda maadooyinka asaaska u ah cilmiga caafimaadka.

Furitaanka laabkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay:

1. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Mudane Duccaale Adan Maxamed

2. Wasiirka warfaafinta Mudane Mustaf sh.cali Dhuxulow

3. Gudoomiyaha jaamacada umadda Prof. Maxamed Axmed Jimcaale

4.Gudoomiyaha Jaamcada SIMAD Prof. Cabdiraxman Odaywaa.

Iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Prof. Yaxye Cali Ibraahim oo qudbad ka jeediyay furitaanka Laabka ayaa waxaa uu yiri “waxaan rumaysanahay in si Dalka looga helo adeeg caafimaad ee taya leh in marka hore loo baahan yahay tacliin taya leh oo soo saarta xirfadlayaal caafimaad oo dhan walba kadhisan, taasina waxay ka bilaabanaysa halkaan maantay”.

Qalabeynta laababka iyo u sahlida ardayda Soomaaliyeed inay fursad u helaan aqoon wadata tabarar xirfadeed taas oo aay helaan ardayda dhigooda ah ee wax ku barta dalalka xasiloon ayaa waxay qayb tahay tayaynta tacliinta sare ee Soomaaliya.

mayd mayd1 mayd2 mayd3 mayd4 mayd5 mayd6 mayd7 mayd8 ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook