Dad Suniyiin ah oo lagu Laayay Masaajid Gudihiis xili ay ku guda jireen Dukashada Salaada Jimcaha+ VIDEO

Dabley hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa Masaajid kuyaala Magaalo katirsan gobolka Diyala ee bariga dalka Ciraaq waxa ay ku laayeen dad Suniyihiin ah oo ku guda jiray dukashada Salaada Jimcaha Maalintii shalay.

Inta la xaqiijiyay 40-qof oo kamid aheed Jameecadii masaajidka ku jirtay ayaa ku dhintay Weerarkaasi oon wali si cad loo ogeyn cida ka dambeysay, Saraakiisha amaanka Dalka Ciraaq ayaana xaqiijiyay weerarkan Masaajidka lagu qaaday.

Dabley hubeesan ayaa rasaas xoogan waxa ku fureen jameecadii Masaajidka ku jirtay , waxaana xiligaa kadib goobta isaga baxsaday dableydii weerarka ka geesatay Masjidka lagu dukanayay Salaada Jimcaha.

Magaalada Weerarkan uu ka dhacay waxaa marar badan ku agaalamay Dagaalyahanada Daacish iyo Ciidamo katirsan Dowlada Ciraaq , mana jirto cid si rasmi ah gacanta ugu heysa Magaalaaasi sida ay ku waramay Wariye katirsan BBC-da oo kusugan Magaalada Bagdaad ee Dalka Ciraaq.


Ahmed Roble
Wardoon.netgmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook