Dagaalkii Badweyna Indian Ocean Oo Bilowday Buulo Mareer Oo Laga Cararay +COD

Ciidanka Xooga Dalka oo garab ka helaaya Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay saakay dhowr jiho kaga kala dhaqaaqeen Degmooyinka Baraawe iyo Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada, ayaa waxay ka kala dhaqaaqeen dhowr jiho oo duleedka Degmada Qoryooley ah, deegaanka Siinaay oo dhinaca xeebta meel kore kaga beegan deegaanka Shalambood, Kabtan Laas iyo goobo kale.

Labada ciidan, ayaa wuxuu dagaal ku qabsaday inta u dhaxeyso Siinaay iyo Golweyn, Siinaay sidoo kale waxay ku taallaa wadada looga leexdo Golweyn. Dagaal kale ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Danow iyo Golweyn.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom waxay xilligaan ku sugan yihiin Deegaanka Golweyn, oo qiyaastii 15km ka baxsan Degmada Buulo Mareer, waana halka culeyska xoogiisa xilligaan la saaray.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), oo la socdo Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika, ayaa waxa uu sheegay in uu bilowday Hawgalka Badweynta Hindiya (Indian Ocean), isla-markaana uu socon doono Buulo Mareer ilaa Baraawe.

Gudoomiyaha oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xusay in ciidan xoog leh ay ku dhaqaaqeen deegaanada Shabaabka, isla-markaana ay isku deyayaan inay iska difaacaan, laakiin aynaan lahayn awoodii ay ugu babacdhigi lahaayeen Ciidanka qalabeysan.

Siidii, ayaa sheegaaya inay arkayn tiro meydad ah oo ka tirsan dagaal-yahanada Shabaabka, waxa kaloo uu sheegay inaanu jirin wax khasaaro ah oo ilaa iyo hadda soo gaaray Ciidamada Dowladda iyo Amisom, sida uu yiri.

Duulaanka lagu qaaday goobaha ay ka arrimiso Al Qaacidada Soomaaliya, ayaa waxaa la doonayaa in la soo geliyo gacanta Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook