Dhakhaatiir Nin Buurni Aawadeed aan Nuuxsan Karin u soo Jeediyey inuu ku Dhex Sugo Gurigiisa Geerida

Nin u dhashay dalka Sucuudiga oo la yidhaa Xamuudi, isla markaana 48 jir ah, kaasoo buurni aawadeed aan socon karin, wax dhaqdhaqaaqana aan samayn karin, gurigiisana aan 3 sanno ee u dambeeyey ka bixin, ayaa khubaro dhakhaatiir ah kula taliyeen in aanuu gurigiisa ku sugo waqtiga wadku u imanaayo, maadaama aan laga saari karin, caafimaad ahaana waxba laga qaban karin.

Xamuud dhibaatooyinka haysta ee buurnidan ku keentay waxa ka mid ah xataa gacmahiisa kuma qabsan karo shaaha uu cabaayo, hadalkuna si fiican ugama soo bixi karo, waxaannu ku sugan yahay xaalad caafimaad darro oo halis ah sida lagu daabacay wargeyska saudigazette.

Dhakhaatiirta gurigiisa ku booqday waxay sheegeen in caafimaadkiisu aanu fiicnayn, lana daawayn karin.

“Waxaan sariirta dul aalay saddexdii sanno ee la soo dhaafay, sababtoo ah culayskaygu wuxuu kor u dhaafay 300kg. wax carruur ah iyo xaastoona ma lihi, kaligay baan ku noolahay guri kiro ah oo ku yaal bariga Riya,” ayuu yidhi Xamuudi oo xaaladiisa ka hadlaya.
Ninkan oo la xidhiidhay Wasaaradda Caafimaadka si loo daaweeyo, ayaa koox dhakhaatiir ah oo ka socotay cusbitaalka Boqor Cabdulcasiis Medical City u tageen, balse waxa uu tilmaamay inuu ku wargeliyeen in aan xaaladiisa waxba laga qaban karin, gurigiisana iska joogo ilaa inta wadku igu imanaao, waxaannu yidh; “Waxaan la xidhiidhay Wasaaradda Arrimaha Bulshada, kuwaasoo aan ka codsaday inay igu caawiyaan shaqaale iga caawiya waxyaabaha aan u baahdo amma kursi, balse codsigaygaas waa la iska dhego mariyey, wax muhiimadd ahna may siin arrinkayga.

HALKAN KA AQRI HADAAD ENGLISH TAQAAN

Ahmed Roble
Wardoon.netgmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Dhakhaatiir Nin Buurni Aawadeed aan Nuuxsan Karin u soo Jeediyey inuu ku Dhex Sugo Gurigiisa Geerida”

  1. adan says:

    hunguri weyni dhibkaasuu lee yahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook