opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dhalinyaro katirsan Al-Shabaab Oo Maanta Xukun Dil ah lagu Xukumay Ayagoo Qoslaya +VIDEO

Share

Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah waxa ay ku riday todobo dhalinyaro oo lagu eedeeyay in katirsanyihiin Xarakada Al-Shabaab kuwaa oo xabsiga dhaxe gudihiisa ku dilay askari katirsanaa Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay eedeysanayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar, islamarkaana ay 20-kii bishaan xukuntay Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa lagu xakumay dil toogasho ah.

Dhalinyaradan lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen dil Gudaha Xabsiga Dhaxe loogu geestay C/casiis Muxudiin Hiraabe oo ahaa Askari katirsanaa Ciidanka Dowlada kana mid ahaa Maxaabiista Xabsigaasi ku xirnaa.
Muuqaal lagasoo qaaday Dhalinyardan maanta Xukunka dilka ah lagu riday oo qaarkood u muuqda kuwa aan wax murugo ah ka qabin xukunka lagu riday waxa ayna ahaayeen kuwa iska qoslaya halka qaarkoodna ay iska sheekeesanayeen.

 

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook