opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Doonyo Casri ah oo Maanta lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir +SAWIRO

Share

Hay’adda gar gaarka u qaabilsan dalka Qadar ee (Qatar Charity) ayaa maanta maamulka Gobolka Benaadir ku wareejiyay 40 doonyood oo loogu talagalay in lagu caawiyo kalluumeysatada gobolka Benaadir, iyadoo guddoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasadda ee Maamulka Gobolka Mudane Maxamed Aadan Guuleed uu kaga mahadceliyay mas’uuliyiinta hay’adda Qadar, kaalmada ay soo gaarsiiyeen, isagoo xusay in ay wax weyn ku soo kordhineyso kalluumeysatada gobolka ku dhaqan.

Dhanka kale Deeq shamiito ah oo ka timid Maamulada Degmooyinka Xamar weyne, Boondheere iyo shacabka labadaasi degmo ayaa maanta deeq shamiindo ah guddoonsiiyay maamulka gobolka Benaadir, kaasi oo qeyb ka ah qorshaha dib loogu dhisayo xarunta Dowladda Hoose ee Xamar

C/qaadir Maxamed C/qaadir guddoomiyaha degmada Xamar weyne iyo guddoomiyaha Boondheere Qaasim Cabduulle Xasan ayaa sheegay in kaalmadaan ay iska soo uruuriyeen shacabka iyo Maamulada labada degmo, waxaana ay xuseen in ay qeyb ka tahay dhismaha xaruuntii hore ee gobolka Banaadir ee UFFICIO GOVERNO.

Guddoomiye ku-xigeenka dhankae siyaasada ee gobolka banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caana geel) ayaa uga mahad celiyay shacabka degmooyinka iyo maamuladooda sida ay u taageerayaan howlaha dib u dhiska ee xarumaha loogu adeegayo bulshada.

doon1 doon2 doon3 doon4 doon5

Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook