Drogba Oo Dib Ugusoolaabtay Chelsea Balanqaad Culusna usameeyay

Drogba ayaa lagu soo dhaweeyay kooxda Chelsea oo waayo badan la soo qaatay waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale ka soo muuqdo garoonka Stamford Bridge.

Xidiga heer Evory Coast ayaa shaaca ka qaaday inuu doonaayo inuu mar kale taariikh ka dhigo kooxda Chelsea isagoo tibaaxay inuu u yimid Chelsea inuu taariikh ku reebo.

36-sano jirkani ayaa kacankiisii labaad ku qaadandoono kooxda Chelsea waxa uuna sheegay in sababta ka dambeysay soo laabashadiisa in ay tahay in markale uu taariikh ka sameeyo kooxda.

Sikastaba xiddigan ayaa kamid ah ciyaartooyda sida aadka ah loogu jecelyahay kooxda Chelsea isagoo u dhaliyay 157-gool 341-kulan uu u saftay.

Drogba iyo guulaha uu la qeybsaday kooxda Chelsea

2004/05: Premier League and League Cup

2005/06: Premier League

2006/07: FA Cup and League Cup

2008/09: FA Cup

2009/10: Premier League and FA Cup

2011/12: FA Cup and Champions League

BARIIS WARDOON SPORTS
WARDOON.NET@GMAIL.COM

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook