opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dunga oo magacaabay xulkiisii ugu horreeyey ee Brazil isagoo isbedelo badan sameeyey

Share

Tababaraha Brazil Carlos Dunga ayaa magacaabay xulkiisii ugu horreeyey Brazil ka hor ciyaaraha saaxiibtinimo ee ay bisha soo aadan la ciyaari doonaan xulalka Colombia iyo Ecuador.

Selecao ayaa guul darro 7-1 ah kala kulantay Germany wareegii semi-finalka Koobkii Adduunka ee xagaagaan, natiijadaas oo keentay inuu shaqada iska casilo tababarihii xulka qaranka Luis Felipe Scolari.

Xulkii uu Scolari usoo doortay Koobka Adduunka ayaa la dhaleeceeyey isla markaana tababare Dunga ayaa isbedel weyn ku sameeyey marka loo fiirsho xulkiisii ugu horreeyey ee uu soo doortay.

Isbedelada waa weyne ee uu ku sameeyey ayaa waxaa ka mid ah inuu xulkiisa kusoo darsaday xiddiga qadka dhexe ee Liverpool Philippe Coutinho, daafaca Atletico Madrid Miranda iyo saxiixa cusub ee Chelsea Filipe Luis.

Marcelo, Dani Alves iyo Paulinho ayaana dhammaantood laga tegay, laakiin David Luiz, Luiz Gustavo, Fernandinho, Ramires iyo Hulk oo ka mid ahaa xulkii Brazil ee lagu ceebeystay Koobkii Adduunka ayaa weli boosaskooda heysta.

XULKA OO DHAMEYSTIRAN

Goolhayeyaal: Jefferson, Rafael Cabral

Daafacyada: David Luiz, Marquinhos, Gil, Miranda, Maicon, Filipe Luis, Alex Sandro, Danilo

Qadka Dhexe: Luiz Gustavo, Elias, Fernandinho, Ramires, Everton Ribeiro, Oscar, Hulk, Ricardo Goulart, Willian

Weeraryahano: Neymar, Coutinho, Diego Tardelli

 

BARIIS WARDOON SPORTS
WARDOON.NET@GMAIL.COM

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook