opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Duqa magaalada Muqdisho oo la kulmay dhigiisa magaalada Stockholm

Share

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden kula kulmay duqa Magaalada StockhomSten Roland Nordin.

Labada Duq Magaalo ayaa kulan ay ku wada yeesheen Magaalada Stockholm waxay uga wada hadleen xiriirka labada dal, gaar ahaan labada caasimadood ee Muqdisho iyo Stockholm. Wada hadalkooda oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay si qoto dheer ugu jeex jeexeen xiriir iskaashi oo dhexmara Magaalooyinka Stockholm iyo Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu u gudbiyay Duqa Stockholm warbixin ku saabsan xaaladda Dalka Somalia guud ahaan, gaar ahaanna xaaladda Muqdisho iyo howlaha baaxadda leh ee uu gobolka Banaadir ka wado maamulka uu madaxda ka yahay ee Gobolka Banaadir iyo in maamulkiisa uu si weyn ugu howlan yahay in ay gobolka Banaadir gaarsiiyaan in ay dadka soo doortaan madaxdooda, halka maanta la soo magacaabo.
Markaas kaddib Duqa Magaalada Stockholm Sten Nordin oo aad ugu riyaaqay warbixinta Duqa Magaalada Muqdisho Jen. Muungaab ayaa ka codsaday in uu soo arko sida ay dadka Sweden isugu diyaarinayaan doorashooyinka Sweden ka dhici doona, waxayna labada duq Magaalo booqdeen fagaare Stockholm ku yaalla oo ay xisbiyada dalka Sweden ku soo bandhigayeen ololahooda doorashooyin ka dhici doona Sweden 14-ka bisha september 2014.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqasho shaqo ku joogay dalka Sweden ayaa intii uu Magaalada Stockholm ku sugnaa wuxuu kulamo la qaatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Sweden, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, Hay’adda Sweden deeqaha u qaabilsan ee SIDA iyo Soomaalida ku dhaqan Sweden oo uu kula hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loo sammeeyay.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa wuxuu duqa Magaalada Stockholm Sten Roland Nordin u gudbiyay mahadcelin la xiriirtay taageerada hagar la’aaneed ee ay Dowladda Sweden siiso Soomaaliya iyo weliba sida ay usoo dhaweysay dad badan oo Soomaaliyeed oo dalkeeda ku nool.

Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook