opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Edin Dzeko Oo Heshiiska U Kordhiyay Man City

Share

Weerar yahanka kooxda mancherter City Edin Dzeko ayaa heshiiska u kordhiyay kooxdiisa Man City. Dzeko ayaa kooxda City u saxiixay heshiis cusub oo afar sano ah sidaana waxaa shaaca ka qaaday kooxda City. Axadii ayaa la sheegay in Dzeko iyo Joe Hart ay noqon doonaan xidigaha xiga ee kooxda heshiiska u kordhindoona, iyadoo kooxdan horyaalka difaacanaysaa sii wado heshiis kordhintii xidigaheeda muhiimka ah.

Intii bishan Aagust lagu guda  jiray ayay City heshiisyo cusub ka saxiixday ciyaartoyda kala ah Vincent Kompany, David Silva iyo Sergio Aguero halka uu haddana Dzeko qalinka ku duugay heshiis cusub oo afar sano ah. Dzeko ayaa markii uu heshiiskan cusub u saxiixay  Man City dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Anigu halkan Man City aad ayaan ugu farax sanahay, waana gurigaygii labaad, sidaa daraadeed wuxuu ahaa go’aan iska sahlan inaan kooxda waqti dheer la sii joogaa. Waan ogaa maalintii ugu horaysay ee aan halkan imid inaan waqti dheer la sii joogayo kooxda, ma arkaayo meel halkan iiga fiican”.

“Si fiican ayaan halkan u dagay nolosheedana waan la qabsaday, waxaan si fiican u aqaanaa ciyaartoyda aan isku kooxda nahay iyo kooxda oo dhan waxaana filayaa inayna u baah nayn wax la sii horumariyo. Saddexdii sano iyo badhkii aan soo dhaafnay waxaan wada jir u samaynay taariikh, laakiin waxaan rumaysanahay inaan wali joogno bilawga waxyaabo khaas ah. Waxaa wali jira ujeedooyin iyo hadafyo aan doonayo inaan gaadho cimri ciyaareedkayga, waxaanan aaminsanahay inaan joogo goobtii aan ku gaadhi lahaa”.Dzeko ayaa hadalkan u sheegay websiteka rasmiga ah ee Man City.

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook