Farmaajo OO Canaantay Madaxda Dowlada +COD

Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dowladda ku dhaliilay qaabkii loo maray dhismaha maamul goboleedyada dalka.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed  ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay ku dhisan yihiin qaab qabiil, taasina ay u baahan tahay in gudiyo loo saaro kuwaasi oo lagu soo xulayo aqoonta ay u leeyihiin xalinta arimahaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in xafiiska madaxda dowladda ay ka socoto fara gelin toos ah oo lagu hayo maamulada qaar ee dalka ka jira, waxaana uu ku baaqay in laga fiirsado dhisida maamuladaasi oo uu sheegay inuu iska hor keeni karo Beelaha Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda looga baahnaa in qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed si wayn wax uga fahansiiso federaalka oo aysan hadda wax badan ka fahansiisnayn.

Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook