Franck Ribery oo xaqiijiyey inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga

Franck Ribery ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulka qaranka dalkiisa France, isagoo 31 sanno jir ah.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ayaa ku dhawaaqay go’aankaan ka dib markii uu 81 kulan u saftay xulkiisa isagoo mudadaas 16 gool u dhaliyey Les Bleus.

Ribery ayaa dhaawac ku seegay Koobkii Adduunka ee xagaagaan ka dhacay Brazil isla markaana kama soo muuqan doono Koobka Qaramada Qaaradda Yurub Euro 2016 oo laba sanno ka dib ka dhici doona dalkiisa.

Ribery ayaa xulkiisa la gaaray finalkii Koobkii Adduunka 2006dii oo uu ka qaaday xulka Italy, ka hor inta aysan ku guul darreysan inay kasoo baxaan wareega group-ka Koobkii Adduunka ee 2010kii.

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook