Gaariga Raysal Wasaaraha Belgium oo Tuugo Jabsatay Kana Xaday Kaambuyuutarkisii Gaarka Ahaa Oo Sirtii Boqortooyada

kooxo Tuugo ah oo aan ilaa wali la aqoonsan ayaa badhtamaha caasimadda dalka Belgium ee Brussels maalintii sabtidii ku xaday, kaambuyuutarkii gaarka ahaa ee Raysal Wasaaraha dalka BelgiumĀ  Elio di Rupo, kaas oo sida la sheegay ay ku jireen siro badan oo boqortooyada dalkaas iyo ammaanka qaranku ka mid yihiin.

Tuugtan xaday gaadhiga Raysal wasaaraha ayaa sida la sheegay jabiyay daaqada gaadhiga u gaarka ah raysal wasaare, Elio di Rupo, kaas oo yaalay goob ka mid ah meelaha gaadiidka la sii dhigto, waxaana tuugadan u suura galiyay inay xadi karaan gaadhiga, ka dib markii wadaha gaadhigu uu tagay goob suuq ah oo laga dukaansado, halkaas oo uu ka soo iibsanayay buugaag uu akhriskooda jecel yahay.

Sidoo kale raysal wasaarah Elio di Rupo, ayaa isna inta dirawalkiisu soo iibsanayay buuga waxa uu tagay, goob jimicsiga lagu ciyaaro, halkaas oo uu jidh dhiska oo uu jecel yahay uu ka sii watay tababarkiisa, laakiin waxa labadooduba ay ku soo noqdeen gaadhigii oo la sii xaday, lana qaatay alaabtii ugu muhiimsanayd ee raysal wasaaruhu lahaa.

Ilaa wali lama soo warin wax hadal ah oo uu raysal wasaaruhu ka bixiyay tuugadaas lagula kacay, waxa kale oo socda hawl gal, uu booliska dalkaasi ku baadi goobayo tuugada xatooyadaas u gaystay gaadhiga raysal wasaaraha, sidoo kale waxa xatooyadan ka dhashay dareeno laga qaaday xaalada ammaan ee madaxda dalkaas, mar haddii ay suuro gashay tuugo ilaa xad heerkaas gaadhsiisan.

HALKAN KA AQRI HADAD ENGLSIHTAQAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook