Gabadha ugu gaaban Somaliland oo canugii Lixaad Dhashay SAWIRO

Haweeney la sheegay in ay tahay mida ugu gaaban inta la ogyahay deegaanada Maamulka Somaliland ayaa lagu qalay cunugii lixaad ay dhasho , Haweeneydan ayaana caan ka ah Somalilad gaar ahaan Magaalada Hargeysa.

Foosiya Muuse Xasan (Foosiya Gaabo) ayaa caan ka ah Magaalada Hargeysa , waxaana la sheegay Haweeneydan in ay tahay mid aan waxba heysan waxa ay inta badan ka dawarsataa Suuqyada Magaalada Hargeysa.

Haweeneydan caanka ka ah Hargeysa ayaa la sheegay in gaabnideeda awgeed ay adagtahay in ay si caadi ah u dhasho , waxaana markii lixaad oo xariir ah lagu sameeyay qaliin looga soo saarayay ilmaha caloosheeda ku jira

Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw Koombe) oo ah dhaqtarka markii lixaad qaliinka ku sameeyay Haweeneydan ayaa sheegay in isbitaalkooda uu si lacag la’aan ah qaliinada ugu sameeyay Fowsiyo gaabo oo kamid ah dadka danta yare e Hargeysa kunool.

gaabo_1 gaabo_2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook