General Yuusuf Siyaad Indha Cadde Oo Sheegay Inaan Hubka Laga Qaadi Karin

General Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo Wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Al-Jaziira ayaa sheegay inuu ka tirsan yahay Dowlada Somalia, islamarkaana la soo shaqeeyay Dowladihii Dalka soo maray.

Mar wax laga weydiiyay Hub ka dhigista ka bilaabatay Dalka ayaa waxa uu sheegay inuusan aheyn Ruux ka cabsi qaba in laga qaado Hubka uu wato, taasi uu Micnaheedu ku sheegay inuu kamid yahay Dowlada Federaalka.

Waxa uu Yuusuf Indha Cadde sheegay inuu aaminsan yahay in lasii laba jibaaro Hub ka dhigista lagu hayo Shaqsiyaadka aan Dowlada ka tirsaneyn, isagoona ku baaqay in DF ay xaqiijiso Ammaanka Dalka.

‘’Howlgaladu waxaa lagu xaqiijinayaa Ammaanka, saameyn iguma yeelaneyso waayo waxan ahay xubin ka tirsan Dowlada, sidaa Aawgeed masuuragaleyso in leygu sameeyo Hub ka dhigista’’ Ayuu yiri Indha-Cadde

Indha Cadde waxa uu DF ku dhiiragaliyay in Juhdi ballaaran ay ku bixiso xaqiijinta Ammaanka si looga hortago Hubka sharci darada ah.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Qaranka Khalif Ereg oo u waramaayay Weriyaha Al-Jazeera Mohamed Adoow, ayaa waxa uu dhankiisa ka sheegay in Laamaha ammaanka ay si waafi ah u gudan doonaan Waajibaadkooda, islamarkaana ay xaqiijin doonaan gabi ahaan Ammaanka Dalka, gaar ahaan Muqdisho.

Erag waxa uu Cadeeyay inay sii wadi doonaan Howlgalada ay ku baacsanayaan Alshabaab ilaa iyo inta Magaalada Muqdisho ay kusoo laabato Ammaankii lagu yaqiinay.

Wareysiga labada Mas’uul ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo mudooyinkaani ay Magaalada Muqdisho ka socdeen Howlgalo lagu xaqiijinaayay Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “General Yuusuf Siyaad Indha Cadde Oo Sheegay Inaan Hubka Laga Qaadi Karin”

  1. waa runtiisa General Yuusuf Siyaad Indha Cadde waayo maka dhalan qabiilaadka yar yar waa nin la yaqaano somalina waxuu u qabta la garanaayo danbi badan wuu kasoo galay lakin asiga malahan dambigas waxaa iska leh ciidankiisa mida kale General Yuusuf Siyaad Indha Cadde
    cid xoog ugu qaadi karto majiraan hubkiisa wuuna isku difaacayaa dadka kale in laga qaado waan taagersanahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook