Goolhayihii kooxda Liverpool o ku biiray Buyern Munich

Goolhayihii kooxda Liverpool Pepe Reina ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Bayern Munich ee dalka Germany kadib sanado badan oo uu ku qaatay kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa dhankeeda xaqiijisay in 31 jir ka reer Spain ay si rasmi ah uga iibiyeen kooxda Bayern Munich waxaana la ogsoonyahay in qiimaha ay kula wareegtay Munich uu yahay 2 milyan oo Ginni.

Bayern Munich ayaa soo bandhigtay laacibkeeda cusub waxayna farta ka saareen lanbarka 23 oo uu u xiran doono kooxda ree Jarmal.

Reina ayaa xilli ciyaareedkii u dambeeyay ka dheelayay horyaalka Serie-A oo uu kula qaatay naadiga SSC Napoli oo uu hogaamiye ka yahay macalinkiisii hore ee Liverpool Rafael Benitez.

Pepe Reina 1

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook