opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gudigii qiimeynta weerarkii Axmed Daaci lagu qaaday oo Booqday Hooyga C/laahi Sheikh Xasan iyo Axmed Daaci +VIDEO

Share

Warka ka imaanaya dhanka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goor dhow Hooyga Axmed Daaci ay booqdeen Gudigii dhawaan loo magacaabay u kuurgalida Weerarka lagu qaaday Axmed Daaci.

Gudiga oo ka koobnaa Xildhibaano iyo Saraakiil, ayaa waxa ay u Kuurgaleen indha-indheynta Weerarka Mas’uulkaasi lagu qaaday, waxa ayna Maanta booqashadoodi ugu horeysay ku tageen gurigii uu ka dhacay weerarka islamarkaana uu ku sugnaa Axmed Daaci.

Sidoo kale Wafdiga ayaa waxa ay Cagta mariyeen guriga Siyaasi C/laahi Sheikh Xasan iyo meelihi dagaalada ka dhacay ee Degmada Wadajir.

Booqashada Guddiga ayaa waxaa ka hadlay Syaasiga C/laahi Xasan waxa uuna sheegay in Gudiga ay durbadiiba bilaabeen hawshooda inkstoo aysan wali saxaafada la hadlin .

Sidoo kale, Gudigan aya markii ay dhameeyen qiimeynta qasaarihi weerarka ka dhashay waxaa ay xog u gudbin doonaan R/wasaaraha .

Dhanka kale, Booqashada ay ku tagayaan guriga Axmed Daaci iyo  guud ahaaan degmada Wadajir ayaa imaanaya iyadoo wali Axmed Daaci uu ku xiranyahay xrunta nabadsigida Qaraka.

ahmed roble
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook