Habsanku yuusan kala harin!

Sanadkii tagay ayaan qoray qormo ahayd: “Haraadigu yuusan kala harin!” in kasta oo dadka qaar dhibsadeen erayga “HARAADI” sidii inuu magac beel noqday oo kale, ama ay tahay in adeegsiga erayga afka looga idin qaato, waanse loo joojinayne, maanta aan meel kale ka abbaaro waa iska xaal adduun, oo waa harka labadiise gelline.
Ma istiri wali waxaa la taagan yahay maalintii aan qormadaa qorayey meeshii la taagnaa? Kama darane, armaa dib loo laabtay? Anisa sidaa ayey ila tahay adiga mooge, balse, aan u imaado midda jirta iyo jugjug meeshaada joogta jaangoynta noqotay. Kooxda DAMAC-JADIID markii ay Xalane ku soo bexeen ayaa waxaa meel walba is qabsaday waxaa dhacay ISBADDAL, lagu saleeyey arrimo dhawr ah, oo ay ka mid yihiin: 1- Ammaanka Muqdisho oo ka soo ranayey. 2- Alshabaab oo Muqdisho iyo Magaalooyin dhawr ah laga saaray. 3- Is doorashadii u horraysay dalka gudihiisa lagu qabtay. 4- Qaar ka mid ah Qurba-joogta iyo qaxootiga oo dalka dib ugu soo laabanayey. 5- Madaxda cusub inay ahaayeen mudanayaal aan lagu aqoon qoriga diinta iyo qabiilka. 6- Dib u dhis iyo maalgashi ka billowday Muqdisho. 7- Reer Galbeed oo xarumo shirqool ka samaystay Muqdisho. 8- In la xakameeyey saamaynta iyo ka mid noqoshada qabqablayaasha XIL-DHAANNADA ama XIG-DHIBAANNADA cusub. 9- Burcadbadeeddii oo yaraatay. 10- Ifafaale xasillooni oo guud ahaan Soomaaliya laga dareemayey. Qodobbadan iyo kuwa kale ayaa sabab u ahaa in badan ku kadsoomaan hanqaltaagga galay, balse, ay ku hungoobeen ugu dambayn, maantana aan guraynnayaan mirihii iska hubin la’aanta sida marar badan sooyaalka soo maray oo kale.
Horta yaa yiri ISBADAL baa dhacay? Yaa yiri marxalad cusub baa la galay? Yaa yiri murankii waa laga gudbay? Yaa yiri Profyadan ayaa wax tari kara? Yaa yiri khilaafkii baa dhammaaday? Yaa yiri is qabqabsigii baa idlaaday? Yaa yiri is maandhaafkii baa haray? Yaa yiri waxaa la galay xilligii dib u dhiska dalka iyo dib u deginta dadka? Yaa yiri waxaa la gaaraybisayl siyaasadeed? Yaa yiri AL baa laga xoroobay? Yaa yiri … Yaa yiri… Yaa yiri….
Inaan weydiimahan dhigo inay dani ii sheegtay ka sokow, oon hore u dhigay, haddana aanba xaq u leeyahay inaan ku celsho, illeyn wixii aan ka digayey ayaa dhecee, waxaan is leeyahay durbaankii la gaaracay Maalinnimadii Talaadada ee 28-ka bsihii Agoosto, ee la doortay Mudane Jawaari, 10kii bishii Sebtembre, ee la doortay Mudane Xasan Sheekh iyo 06-dii Oktoobar, ee la magaacabay Mudane Saacid, daxashii ka dhalatay iyo mirirkii uu maanka u gaystay kolleey kama goyn kartide, armaad ugu yaraan burush Timo yix ka jilic marisaa, Suujinadu inaysan qaadmayn ma moogi, balse, waxaan is leeyahay armaysan ka darayn “Cayri caymo ma diiddee!”.
Ka kaalay taa yaanan kugu daalin wixii tagaye, illeyn soo noqon maayaane, ee midda aan maanta joogno aan ku dulgeeyo, oo aan bal iyana dhawr eray ha dhaho sidii aan horayba uga dhahay, maxaa yeelay “Madax soo taagan iyo Middi saawira midna laga samree” iyo af qoyan hadal ma daayo. Maanta waxaan joogaa meeshii aan joognay maalintii nimankan ay xilka qabteen sanad ka hor, haddii aannaan ka liidan dhan walba marka laga eego.
In kasta oo ay noo sheegeen been ah in Ku meel gaarkii ma laga baxay, oo aan laga bixin, balse, uu dhacay kala wareeg, oo kaliya wax ka baxsan aan lagu tilmaami karrin. Kala wareeggii wuxuu keenay toban Wasiir in ay la soo shirtagaan, haba la soo shirtagaane hadday keeni lahaayeen halyeeyo iyo hawlkarro xaa kaa bi’i lahaa, waxayse la yimaadeen habacsanayaan iyo maqaneyaal jooga, oo aan waxa dhacaya ka warqabin, iska daa inay ogaadaan wixii dhacay ama ay sii saadaalin karaan waxa dhici doonee.
Inaan toban Wasiir oo tiicaya aan meel lagu gaarayn waa la ogaaye, waxaa loo baahday in xukuumadda la isku shaandheeyo, balse, waxaa ka dhashay in xukuumaddii dhanba la burburshay, XIG-DHIBAANNADA XALANE, ee laaluushka iyo musuqmaasuqa ku shaqeeya, ayaa mooshin la maalgalshay xukuumaddii xilka uga qaadday, oo lagu eedeeyey in ay ku fashishay hawlihii loo xilsaaray, haddana, isweydiinta baa ah: xukuumadda (Goloaha Wasiirrada oo dhan) miyaa xilka ka gaabshay mise qaar ka mid ah? Mise waxaa xilka ka gaabshay Mudane Saacid oo kaliya?.
Weydiintani waa muhim, maxaa yeelay sida aan wax loo kala reebin ayaa kuu caddaynaya in aan waxba la is dhaamin, oo dhammaan golaha wasiirrada ku fashilmeen xilkii loo igmaday, haddaba, saw ma habboona inaan nimankaa ka habsaamay xilkii hore loogu dhiibay inaan midna ka soo noqon? Saw sax ma ahan inaan hal mudane oo ka mid ahaa Golaha Xukuumadda uusan mar kale ka mid noqon golaha wasiirrada cusub ee iman doona? Kaba muhimsane, saw ma habboona inaan la soo magacaabin Mudane Saacid oo kale, oo lagu suntay “HURDAAYE”?.
Mid baa muhim ah in la ogaado, oo ah: qolyahan Wadaada dambe ah (WAHAABIYA iyo ISLAAX) waxay leeyihiin dhaqan ka duwan Wadaada Suufiyada, oo ah, inay u dhaqmaan sida Sirdoonka ama Reer Galbeedka, oo ku salaysan qofku inta uu dantooda wado ama ka shaqaynayo kor ayaa loo qaadqaadayaa, la ammaanayaa, lana sheegsheegayaa, maalintii laga waayo dantii laga lahaa ama laga gaaraba oo lagu fulshado, waxaa loo tuurayaa sidii cad balaq ah oo kale, haddaanba dib loo xukumin ama loo qaarijin, marka ma is tiri: Mudane Saacid waxaa laga waayey dantii laga lahaa markii hore? Waxaa jira war sheegaya in ay jirto warqad laga saxiixay oo ah inuusana awood badan ku yeelan magacaabista Wasiirrada, marka aad si fiican ugu fiirsato warkan ee aad ku dabaqdo Golaha Wasiirrada wax badan ayaa ka run ka noqonaya.
Hadda waxaa loo madlan yahay magacaabidda Wasiirka Koowaad oo laga sugayo Mudane Xasan Sheekh, oo sida caadada ah heli doono soo dhawayn dhiirran iyo mid dhabbacanba, haddana mudanah iman doona waxaa hortaal hawl aan yarayn, oo ay ugu horreyso dhismaha Golihiisa Wasiirrada.
Haddaba aan mar kale ku celsho qodobbadii aan sanad ka hor qoray, oo aan mid ka mid ah laga hirgalin, walina sidii u taagan, oo aanba qabo in maanta looga baahin badan yahay shalay, illeyn shalay kali baan ku ahaaye, maantase dadka dhan ayaa wasa arka inay muhim tahay in wax laga baddalo hannaankii hore wax loo hagayey, waxayna kala yihiin:

in haraadigu uusan kala harin, waxaan uga jeedaa, inaan xil loo magacaabin masuul walba oo xil hore uga soo qabtay dawladihii burburka iyo xukuumaddii Saacid ee xilka looga qaaday inay fashishay, gaar ahaan Golaha Wasiirrada inaan lagu soo darin Wasiirradii dawladihii hore dalka u soo maray.
In mudanihii Wasiir noqda uusan Baarlamaanka xubin ka sii ahaan, oo mid ku ekaado Xildibaannimo ama Wasiirnimo, sidaa waxaan u leeyahay inaysan dhicin inuu laba Mushaar qaato [Laba canlayn] illeen beesaba looma hayee. Taa sokow, inuusan laba awood oo is dhexgalaysa isla hayn, dabcan, dunida waa ka jirtaa, oo wax diidaya ma lahan, balse, dani anaga nooguma jirto, illeen mudane isagu isu codaynayaa, is dacweyn maayee! Allaha u naxariistee, Abwaan C/qaadir Xersi “Yamyam” baa shirkii Addis Ababa ka dhacay sanaddii 1993-dii ku maansooday sidan:

“Waagii mudnaantiyo
Wasiir magac ku faanaa
Baabuur madaw iyo
Muraayadaha xiran jiray
Meelaha nacfiganale
Loo kala hor mari jiray
Maareeyana la noqon jiray
Gudbe maalmahoodii!”

In la kala qaado xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, micnaha in laba qof loo kala magacaabo, maadaama ay xallin karto gunuunac hoose oo beelaha qaar ku jiraba.
In la baddalo Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo Maraayaha Garoonka Aadan Cadde, maxaa yeelay xilalkan marka laga soo tago inay xasaasi yihiin, waa ilaha ugu muhimsan ee dawladda dhaqaale ka soo galo, sidaa awgeed, waa in loo xulaa rag hufan oo aan ka soo qaybqaadan maamulladii hore ee musuqu daashaday.
In xilalka laga qaado dhammaad saraakiisha ugu sarraysa ciidaanka iyo nabad sugidda, Taa baddalkeed, dawladda Xasan Sheeq Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir waxay u magacaayday Sargaal Alshabaab horay uga tirsanaan jiray, oo la yiraa: Maxamed Aadan Koofi.
In la baddalo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, dabcan ma sharcibaa mise ma ma ahan? Waa arrin kale, ujeedku waa inaysan kala harin hoggaankii hore, ee nala haray halkanna na soo gaarsiiyey.
In dalka maamulkiisa aysan la gooni noqon koox gaar ah, maxaa yeelay hannaanka dawladdu waa Federal, kaba muhimsane awood qaybigu waa Beelaysi, sidaa awgeed, waa inaan lala gaar noqon maamulka dalka, oo si toos ah ugu hoos jira MAXMIYAD.

In la xoojiyo qodobbadan, waxay keenaysaa dhammaystirka hannaanka geeddi socodka billowday, ilaa laga guranayo mirihii oo dhan, maadaama aan is leeyahay in maanta ay tahay maalintii la hirgalin lahaa qodob iyo qoraal, hawraar iyo hadal, ee aan hoosaasin iyo haasawe midna loo hamuun qabin.
Ugu dambayn, isu gaynta qodobbadab yaa isugu soo aruuraya “Haraadiga iyo habsanku yeysan kala harin!” maadaama ay sii xaqiijinayso in aan la kala reebin kuwii musuqa iyo murrugmaarugta ku mashaqeeyey dalkan iyo dadkan.
Weydiinta baa ah, caddaanka iyo madawga Xamar dhex fadhiyaa ma ka gacan maran yihiin wixii dhacay, waxa dhacaya iyo waxa dhici doonaba? Ha ka yaabin taa, oo haddaa saw ma habboona inay wax ka badalaan habkan gurracan ee ay wax u maaraynayaan, illeyn iyaga ayaa qayb lixaad ku lehe.
Hadda iyo dan, Saacid socoye, yaad soo waddaan? Kani galbay ku kale mooyee, tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego. Anigu lama yaabbani khilaafkan hadda jira, sida uu ku dhammaadana loo wada jeeday, ee midda aan ka baqayaa ee Wadna kurkurka igu haysaa waa in 2014ka aan mar kale marag iyo goobjoog u noqonno khilaaf hor leh iyo is casilaad ama isku ku shaandhayn iyo ballaarin xukuumad, taa oo run ahaantii aniga dareen xooggan igu haysa, sida muuqatana aan laga baaqsan doonin. Bal adba.

Sanadkii hore markii Golaha Wasiirrada laga dhigay toban ayaan sidan ku Shirbay:

“Tiradu hayska koobantee, Tafaraaruq ma ku tagaa?
Toban Wasiir la soo tubyee, halkoo Tarriiq ma noo tolaan?
Toban Wasiir tiro ku koob, Taariikh gashee ma toosismee?.

Haddana waxaan mar kale ku Shirbayaa sidan:

Toban walxaatoo Ta’ ku taal, Tacabya talo seeg ahaa
Anaa talaa tabtii Siyaad, Tacabya talo seeg ahaa
Kanna iska tuur kana tilmaam, Tacabya talo seeg ahaa
Ar hayga taaban Tiim-Jadiid, Tacabya talo seeg ahaa
Faarax turoo tubtiisa yeel, Tacabya talo seeg ahaa
Guuleed toobiyihiisa qaad, Tacabya talo seeg ahaa
Fawsiya Taaj qurxoon ku taag, Tacabya talo seeg ahaa
Tarzan warkiis Tabliiq ku sheeg, Tacabya talo seeg ahaa
Talo Garaadya toosin diid, Tacabya talo seeg ahaa
Talo Abwaan tufoo ka bood, Tacabya talo seeg ahaa.
Tawstii dadweyne iska tuur, Tacabya talo seeg ahaa.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com


Afeef Qoraha Maqaalka Ayay Gaar Utahay

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook