opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Haweeneey Boqol Jir Maraykan Ah Oo Maalin Walba Toob Ama Isku Joog Ay Toshay Ugu Deeqda Carruurta Saboolka Ah Ee Afrika +SAWIRO+VIDEO

Share

Haweenay boqol jir lagu qiyaasay, oo u dhalatay dalka Maraykanka laguna magacaabo, Lillian Weber ayaa si ay u caawiso carruurta saboolka ah ee ku nool qaarada Afrika, ku dhaqaaqday in maalin walba ay gacanteeda ugu tosho Kurdad ama toob ay ugu deeqayso.
Lillian Weber oo ka soo jeeda gobolka Aiwa ayaa tolista dharkan ay carruurta saboolka iyo kuwo darbi jiifka ah ugu deeqayso, bilowday sanadkii 2011-kii, waxaanay ku guulaysatay in maalin walba ay tosho hal qof oo carruur ah dharka uu ku labisan karo, taas oo kumanaan shay ilaa wali toshay oo dhamaysay.
Lillian Weber, oo dharka aytosho ku wareejisa ururada gar gaar oo carruurta darayaysan caawisa, waxa ay ilaa wali toshay 840-Kurdadood ama toob, iyada oo sheegtay in ay ku talo jirto oo ay rejaynayso in ilaa toban kun oo shay ama gabdhood dharkooda ay ku tabarucdo, haddii noloshu ku sinto.

Sida jariirada Daily Mail ku warantay, Lilian Weber ayaa subax walba bilowda tolista toobka ay maalintaa ugu talo gashay inay caawimada ula baxdo, waxaanay shaqadaas wadaa ilaa inta laga gaadhayo wakhtiga qadada, ka dibna waxa ay sheegtay in ay yara jiifsato oo nasato ka dibna casarka ka dib bilowdo, ilaa fiidkana sidaa ku soo gaba gabayso tolmihiisa, waxa kale oo maryaha ay dharka ka tosho ka soo iibisaa biilkeeda sida jariiradu sheegtay.

WAAYEEL1
WAAYEEL2
WAAYEEL3

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook