HUB ka dhigista HADAL iyo HOO ha laga hormarsho!

Xilliyadii Siyaad Barre xukunkiisu jiray, weliba markii uu ugu awoodda badnaa, ayaa la soo qabqabtay dhawr lagu tuhmayay xagjirnimo. 10 ka mid ah baa tiirka la geeyay oo la toogatay, maalintii ku xigtay ayaa la yiri; “Qaar baa harsan weli oo dhuumaalaysanayee ha la soo qabto”. Sheeq Kitaab ka tafsiirin jiray Masaajidka Siigaale ayaa askartii sida xoogga badan looga baqi jiray ee Koofiyo Casta aheyd qabteen, asagoo dhuudhuumanaya, markaasaay weydiiyeen su’aashan; “SHEEQA KITAABKA KA TAFSIIRA MASAAJIDKA SIIGAALE SOW ADIGA MAAHA?” kadiskii lagu qabtay, naxdintii uu ka qaadday oo haysa, ogsoonna in shalay la toogtay 10 ay saaxiibba ahaayeen, jawaabna laga sugayo, iyo ragga haya oo Koofiyo Castii ah, ayaa markuu isu wada geeyay, wuxuu ku jawaabay; HA I CUNIN (sida in la inkaaray oo kale). Markaasey haddana ayagoo shaki galay inay malaha qabteen nin khaldan, doonayana inay hubsadaan ku yiraahdeen; “SHAQADAADU MAXAY TAHAY?” Markaasuu isagoo iskaba fogeynaya Sheeqnimada iyo arrimaha diinta ku jawaabay; “Al Curuba Night Club ayaan DJ ka ahay!” Askartii oo ku qanacday hadalkiisa ayaa isaga tagtay!

Waligaa nin FALAN iyo nin WAALAN gar u qaad ma lagu yiri, mise u qaaddayba? Haddii aadan hore ula kulmin ama aadan maqal, hadda ayey ku hortaale, bal madaxa ka shaqaysii, oo dhakadii lagu kala maslixi lahaa maskaxda ka goob.

Qolada hubka qaadaysa iyo kuwa laga qaadayo ayaa kala ah nin FALAN iyo nin WAALAN oo kale. Kuwa qaadaya waa garan waayeen inay u maraan wadda sharci ah iyo qodob qaanuun ah, kuwa laga qaadayana waa garan waayeen bulshada waxba ma dheeridiniine dadkiina dhinac ka raaca, waqtigiinna soo qaadateene!

Hub aan sharci ahayn, ee gacanta ugu jira QABQABLEYAAL, GACANSATO, SHIRKADO gaar loo leeyahay iyo SHACABKABA ma ahan arrin ogaal iyo u baahan aqoon, oo sidii burburku dalka uga dhacay hub fudud ama culusba wuxuu noqday mid dalka gees ka gees lagu kala haysto.

Ma jiraa qod diiddan in hub ka dhigis la sameeyo? Maya ayaan filaa anigu, xitaa kuwooda hubka haysta, ee ay ugu horreeyaal qabqablayaashu way rabaan, balse, waxaa mashaqo ka jirtaa, waa labadan weydiin; sidee loo samaynayaa? Yaa se samaynaya? Run ahaantii waa laba weydiin, oo iska daa in xal iyo loo helo xaaline, aanba la is weydiin, malaha maankaba kuma soo maaxan, oo haddaa maxaaba la iska weydiiyaa? Xaalku waa sidan; “Soomaaliya; QABIILIISTE HUB ka dhigis ku samaynaya QABQABLE!“

Ma xuma oo waaba waajib iyo daruuri loo baahan yahay in hub ka dhigis la sameeyo, balse, haddaan waddo sharci ah loo marin, sidee ku suuragalee? La ye; “Majo dhiiqo mid ba marbaa la siibaa!” Si kale; “Lug dambe haddaan lug hore laga hormarin ma jabto!” Si kale; “Sidee Xeero loo xagtaa, Ilkana ku nabadgalaan?!” Haddaan loo xeerin xaajada run ahaan xalka ma wanaagansamayo marna.

Habka hub ka dhigiista loo maro ta ugu sahlan ugu sharcisan waa sidan;

1- In Maamulku soo saaro go’aanno cad oo lagu mamnuucayo qaadashada iyo haysashada hubka nooc walba oo uu yahay.

2- In farriin iyo dhambaal qoran oo saxiixan loo diro jihooyinka hubka haysata, ee qof, qolo iyo shirkad noqon kara.

3- In bulshada lagu wargalasho warbaahinta, wacyigalin guud iyo mid gaar ahna loo sameeyo, si dadku ugu kalsoonaado maamulka, tallaabada dambe ee la qaadi doono.

4- In hub ka dhigista lagu lammaaniyo barnaamij habooh ah; “HUBKA HADAL AMA HOO KU BADALO!” oo dadka qaarkii hubka lacag ayey ka baxsheen umana gadan inay dad ku dhibaan ama dheef ka helaane waxaa ku qasabtay naf ku dhawrasho. Waxaaba ka sii mug weyn qofkii uu u ahaa dakhli iyo il dhaqaale, marka dadkaa oo kale waa in loo helaa xal dhaqaale iyo maalgalin. Xasuusta ku hay, hadda madaxweyne Obama wuxuu Maraykanka ka hirgaliyey mashruuc ah; “HUBKAAGA NAGA IIBSO!” Ka dib markii qasaare badan ka dhashay hubka dadka gacmaha ugu jira.

Intaa waxaa u dhexeeyaa waa in ay muhim tahay in lala kaashado odayaasha dhaqanka, lana gaarsiiyo in ay gacan ka gaysteen sidii arrintaa xal loogu heli lahaa.

Haddii duruufto saamaxayso waa in loo diiwaangalsho wixii af iyo hanti lagu dhawrayo ama lagu ilaalinayoo. Taa badalkeed ganacsata la ogyahay inay xiriirka dadban ama ka tooska la leeyihiin lagu dhiirrado. Sidoo kale, wa in aan odayada loo saamixin inay makaroofan colaad noqdaan ama gurbaankeed garaacan, ee ay ka shaqeeyaan sidii nabad iyo xasillooni loo heli lahaa.

Bal isu eeg hubka la yiri waxaa laga soo qaaday qabqable Axmed Daaci gurigiisa iyo qasaaraha ka dhashay; waxaa dhintey 20 qof oo Soomaali, dhallinyaro u badi, 20 kale waa dhaawacantay, Taangi qiimihiisu dhan yahay Nus Milyan Dollarna waa gubtey, waxoogaa qoryo ayaana la soo qabtey, dumar iyo carruur, waayeel iyo marras, qoysas nabad oo ku seexday ayaa 3da habeennimo madfac, hoobiye iyo qoryo culus laga dulriday lana qixin gaaray, haddaba, yoolka la gaaray iyo khasaaraha keebaa daran? Nafta 20 qof iyo xibnaha 20 kale waxba idin lama ahan miyaa? Ka sii daran, ARGAGIXISANNIMADU ma Alshabaab kaliyaa mise waa fal walba oo bulshada argagaxgaliya? Intaa ka dib, aan kuu taariikheeyee, bal ila sii wad faallada;

Ka dib dagaalladii Jabhadaha waxaa dalka guud ahaan ka dhacay dagaallo Sokeeye, oo dhiig badan sabab la’aan ku daatay. Gobollada Waqooyi ayaa markii lagu dhawaaqay “Maamulka Somaliland” waxaa gacanta ku hayey talada Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).

Beelaha wada dega Gobollada Togdheer, Hargaysa iyo Magaalada Berbera dagaalladii loo bixiyey Magaca caanka noqdey ee “Habar Habar” ayaa dhexmaray, oo ka dhigan in beel beel iyo jufo jufo laysugu duulay, oo waxaa dagaallo badan ka dhaceen magaalada Berbera, Burco iyo Hargaysa. Kuma uusan guuleysan Cabdiraxmaan Tuur inuu xasiliyo bulshadaas oo uu hub ka dhigis ku sameeyo, isagoo adeegsadey barnaamij awoodeed iyo ku maaliyadeed oo ahaa, “QORIGAAGA QAMADI KU BEDELO”.

Sanadku markuu ahaa 1993dii ayaa waxaa xilka la wareegay ruugcaddaagii siyaasadeed Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal, oo hub ka dhigista u marey wejigii hore mid ka duwan kii Cabdiraxmaan (Tuur) u maray, kaasoo ahaa, inuu dhammaan Odaya Dhaqameedyadii iyo Duubabkii beelaha reer Somaliland kala xaajeystay, sidii Malleeshiyaadka loo qarameyn lahaa, hub ka dhigisna loo samayn lahaa.

In kastoo beelaha qaar ay ka biyo diideen, haddana, wuxuu sameeyey inuu dhammaan goobaha halbowlaha ah, sida; Dekadda iyo Garoommada awood kula wareegay. Sidoo kale, guud ahaan isbaarooyinkii u dhaxeeyey Gobolladana kala wareegay malleeshiyooyinkii ay u taallay. Hawshan ayaa ahayd mid ay si wadajir ah u wada qabteen ciidanka, oday dhaqameedka iyo maamulkba.

Dagaalkii 1994kii ka qarxay Hargaysa wuxuu ka billowdey hub ka dhigis iyo Garoonka iney beeshii haysatay wareejiso, wuxuuna faafey deegaammada Berbera iyo Burco, isagoo soconayey ilaa dabayaaqadii 1999kii. Waxaa la xasuustaa in Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, uu ahaa markaas Wasiirka Arrimaha Gudaha uu magaalada Burco u yimid nidaamka hubka dhigista sanadkii 1995kii iyadoo Hargaysana weli dagaalkii laysaga soo horjeeday ka socdo, hase yeeshee, wuxuu ku guuleystay inuu guud ahaan Bariga Burco ku qanciyo iney malleeshiyadooda qarameeyan, halka Galbeedka Burco ay ka caga jiideen, ilaa ay markii dambe sababtey dagaalkii ugu dheeraa ee Geyiga Soomaaliyeed ka dhaca, Dagaalkaas oo soconayey 28kii Marso ilaa Oktoober 1999kii, oo markii dambe beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco iskood ugu heshiiyeen. Heshiisyadii Caynaan iyo Baxnaan oo ay ku kala saxiixdeen wada noolaansho iyo nabadgelyo inay ku wada joogaan gobolka Togdheer.

Tusaalahan ayaa noogu filan hab dhaqankii ay u mareen qaar ka mid ah Maamullada hadda nabadda ku naal ooda. Waxaan jiray in Stoptii ama Isbaarada Magaalada Beer uu joogi jirey nin Caan ahaa oo Reer Burco ah kana tirsanaa Jabhaddii SNM oo la oran jirey, “Dawac Dirir Falaag“ inuu diiday inuu wareejiyo Kantaroolka oo dakhli aad u badan ka soo galayey, maadaama uu ahaa Kantaroolka isku xira Gobollada Dhexe, Gobollada Bari iyo Hawdkaba, iyadoo Gobolka Togdheer ahaa Xarunta Xoola dhoofiska ugu badan ayaa waxaa la waayey qaab Maamulku uga qaado, markii xoog iyo xeelad lagala quustey, ayaa xoolo badan oo gaaraya, sida dadka qaar qabaan Hal Malyuun oo Doollar la siiyey, sidaana ku warejiyey kontroolkii, oo isna dib u dejin ugu samaystay noloshiisana kuna maareeyey.

Maamulkuu hoggaanka u hayey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxaa lagu xasuustaa arrimo badan, maruu ka hadlayey Beelaha Galbeedka Burco iyo Bariga Hargeysa wuxuu yiri; “SADDEX MID BAAN KU SOO XERO GELIN; XOOG, XEELAD AMA XOOLO” ugu dambayna xoolo ayuu ku soo xero geliyey, taasoo u sahashahay in Maamulkiisu uu dhammaan Beelaha, Togdheer iyo Hargeysa iyo Boorame si isku mid ah ula shaqeeyaan.

Sidoo kale Maamulka Bari oo isagu ka dad kooban kana tiro yar Koonfur iyo Waqooyi ayaa marey waddo tan la mid ah, oo ay beeluhu ku heshiiyeen inay isku dhafaan, malleeshiyadana la hoos geeyo maamulka dhisan talo wadar ahna loo sameeyo.

Haddaba, maanta marxaladda ka taagan Muqdisho waxay u egtahay saansaan iyo tallaabo hore loogu qaadayo maamul adkaynta, balse, dariiqa loo marayo ayaa ah mid qodxo badan, maxaa yeelay, nin aad ogtahay inuu hub haysto haddaad dagaal ku kediso, Wardi iyo Duco kam filanaysid, waa iun kii dagaala, iskana kaa caabbiya!

Hubkaan la aruurinaayo, waxaan ku soo xasuustay qaabkii ay Koofiya Castu wax u raadin jireen, caqli, baaritaan, gogol xaar, qofkey hubka ka qaadayaan ammaankiisa oo aaney ayagu sugi karin, gobollada kale oo weli hubkii heysta (KAAGANA KEEN, KEYGANA AAN HAYSTO), dadka hubka laga qaadayo qaar ka mid ah raggii Alshabaab saariddeeda gacan ku lahaa, kan hubka aruurinaya oo laftiisa aan la aamini karin! wax badan baa isku qaldan wadaayow!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

http://bilediraac.wordpress.com/

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook