opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ildhibaan Ilka case Oo Kamid Ahaa Dadkii Kumdaharaday Madaxweyne Xasan Sheek Oo Eedeeyay Wasiirka Dastuurka +COD

Share

Ibraahim Suleymaan “Ilka Case”, ayaa u sheegay Radio Kulmiye in Wasiir Faarax C/qaadir uu Faragelin Qaawan ku hayo Dastuurka KMG ah ee dalka, kaasi oo uu sheegay in Howshaasi uu leeyahay Baarlamaanka & Gudiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Madax-banaan.

“Wasiirka Dastuurka waxa uu doonayaa in uu dalka dib ugu celiyo Marxaladii kala-guurka ee 2007, waxa uu Dastuurka ku sameeyay wax-ka-bedal, isagoo la tashan Gudiga Dastuurka Baarlamaanka,” ayuu yiri Ibraahim Suleymaan “Ilka Case”.

Ibraahim Suleymaan “Ilka Case”, waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Faarax C/qaadir in uu Mas’uul ka yahay Is-qab-qabsiga ka jira dalka ee ku aadan Dastuurka KMG, waxa uu intaasi ku daray in Wasiirka uu dib u dhigay Qorshe uu Baarlamaanka ku hor imaan lahaa, si wax looga weydiiyo Sharciga Xuduudaha & Federaalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Markii uu furmo kala-fadhiga Baarlamaanka ay ka xisaabtami doonaan Faarax C/qaadir, islamarkaana laga qaadi doono Tallaabo sharci ah si loo xaliyo Muranka k ataagan Gobolada & maamulada dalka.

Dastuurka Federaalka dalka oo ah mid qabyo ah, ayaa waxaa hadda gacanta ku haya Gudiga Dastuurka Madaxa-banaan, oo ay magacawday Xukuumadda Labo Bilood kahor, kaasi oo howshiisu tahay dhamaystirka Dastuurka kahor inta aan aftida Dadweyne loo qaadin.

Ahmed Roble
Wardoon.netgmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook