opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Isku aadka wareega group-yada UCL oo loo soo saaray

Share

Isku aadka wareega group-ka UEFA Champions League ayaa si rasmi ah loo soo saaray iyadoo ay kasoo bexeen kulamo xiisaha leh wareega koowaad ee Koobka Kooxaha Yurub.

Arsenal ayaa markale wareega group-ka Champions League ay isku arki doonaan kooxda Jarmalka ka dhisan ee Borussia Dortmund, Chelsea ayaa markale iyana la kulmi doonta Schalke, halka Manchester City ay sannadkii labaad oo xiriir ah wareega group-ka ku wajheyso Bayern Munich.  Group-kaan ayaana noqday midka dhimashada iyadoo ay sidoo kale ku jirto kooxda Talyaaniga ka dhisan AS Roma.

Liverpool oo afar sanno ka dib kusoo laabatay Champions League markeedii ugu horreysay ayaana group la gashay kooxda tartanka difaacaneysa Real Madrid. Markii ugu dambeysay ee ay labadaan kooxood ku kulmaan tartankaan Liverpool ayaa 4-0 ku adkaatay kulankii ka dhacay garoonkeeda Anfield.

Dhanka kale, Barcelona ayaa ku group noqotay kooxda heysata horyaalka France ee Paris Saint-Germain, si la mid ah kooxda reer Holland ee Ajax.

Isku aadka oo dhammeystiran halkaan hoose ka aqriso

Group A: Atletico Madrid, Juventus, Olympiacos, Malmo

Group B: Real Madrid, Basel, Liverpool, Ludogorets

Group C: Benfica, Zenit St Petersburg, Bayer Leverkusen, Monaco

Group D: Arsenal, Borussia Dortmund, Galatasaray, Anderlecht

Group E: Bayern Munich, Manchester City, CSKA Moscow, AS Roma

Group F: Barcelona, Paris Saint-Germain, Ajax, APOEL

Group G: Chelsea, Schalke 04, Sporting Lisbon, Maribor

Group H: Porto, Shakhtar Donetsk, Athletic Bilbao, Bate

Kulamada ugu horreeya ee tartankaan ayaa waxaa la ciyaari doonaa 16ka ilaa 17ka bisha soo aadan ee September.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook