Joao Miranda oo iska diiday inuu Kubiiro Chelsea

Daafaca reer Brazil Joao Miranda ayaa ku gacan seyray Chelsea isla markaana wuxuu go’aansaday inuu sii joogo kooxdiisa Atletico Madrid, sida ay wararku sheegayaan.

29 sanno jirkaan ayaa soo jiitay xiisaha kooxo dhowr ah ka dib markii uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay wacdaro la dhigay Atletico Madrid, oo uu kula guuleystay horyaalka La Liga isla markaana uu la gaaray finalka UEFA Champions League oo ay ka qaaday Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay majaladda Marca, dalabkii 20ka milyan oo ginni ahaa ee ay ka gudbisay Chelsea ayaa ka hooseeyey qiimaha lagu burburin karo qandaraaska daafaca oo ah 24 milyan oo ginni, tiiyoo uu ciyaaryahanku ku qanacsan yahay inuu kusii nagaado kooxda tababare Diego Simeone ee ka dhisan Vicente Calderon.

Saaxiibadiisii hore ee Los Rojiblancos Diego Costa iyo Filipe Luis ayaa labaduba xagaagaan ku biiray kooxda Jose Mourinho.

HALKAN KA AQRI HADAD ENGLSIH TAQAAN

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook