kabtanka Arsenal Oo Lagu dhawaaqay

Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey inuu Mikel Arteta noqon doono kabtanka Arsenal xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu Vermaelen ku biiray kooxda Barcelona.

32 sanno jirkaan qadka dhexe, oo kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium uga soo biiray Everton sannadkii 2011kii, ayaa hogaamin doona Gunners, iyadoo daafaca dambeedka dhexe Per Mertesacker loo magacaabay kabtan ku xigeenkiisa.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkeeda ku furatay guul cajiib ah oo 3-0 ah oo ay ka gaartay Manchester City koobka FA Community Shield Axadii, iyadoo labada kooxood ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay soo hantay koobka horyaalka Barclays Premier League iyo FA Cup ay isku arkeen Wembley Stadium.

Isagoo hadlayey ciyaarta ka dib, Wenger ayaa saxaafadda u sheegay: “Kabtanka koowaad waa Arteta kabtanka labaad waa Mertesacker. Arteta wuxuu noqon doonaa kabtankeena, halka Mertesacker uu ku xigeenkiisa noqon doono.”

Arteta ayaa ahaa kabtankii Everton intii lagu jiray mudadii lixda sanno aheyd ee uu kooxdaas lasoo joogay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook