Kaka Oo Amaan KalaDuldhacay Mourinho

Kaka ayaa tilmaamay in mudadii uu joogay Real uusan gaarin heer ciyaareedkii laga filayay inkastoo Milan uu uga yimid aduun gaaraya 65 milyan euro .

Laacibkaan reer Brazil ayaa tilmaamay in uu ku qanacsan yahay waqtigii uu Real ku qaatay isaga oo carabka ku adkeeyay in 120 kulan uu u saftay Real isla markaana uu u dhaliyay 28 gool .

Waxa uu Kaka intaa ku daray in Real uu la qaaday mudadii uu la joogay sedex koob oo kala ah Cope Del Rey , horyaalka Spain iyo Super Cup .

Kaka ayaa ka hadlay tababarihiisii hore ee Real ee Jose Mourinho isaga oo xusay in uu in badan uu soo caawiyay .

” Mourinho waxa uu iga caawiyay in aan sameeyo hor mar , waxa uu i baray sida aan u dagaalamo , ugu dambeyn waan tix gilinayaa go`aanadii tababaraha , dhab ahaan waxa uu iga caawiyay in aan nin rag noqdo” ayuu yiri Kaka.

HALKAN KA AQRI HADAD ENGLISH TAQAAN

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook