opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Kooxdii Sooweerartay Godka Jilicow Oo Lalaayay +SAWIRO+ VIDEO

Share

Waxaa maanta dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab weerar is qarxin iyo mid toos ah ku qaadeen Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo kutaal Xabsiga Godkii Jilacow ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka AL-Shabaab ku qaadeen Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee Xaruntaasi , waxaana xiligaasi kadib xaruntaasi ku cararay dagaalyahano hubeesan oo katirsanaa Al-Shabaab.

Dagaal toos ah ayaa ku dhawaad saacad waxa ay kasocotay gudaha Xarunta Hay’ada Nabada Sugida Qaranka, waxaana halkaasi ku dagaalamay kooxihii hubeesnaa oo tiradooda lagu sheegay ilaa7-qof iyo ciidamadii ilaalada ka hayay xaruntaasi.

In kabadan 10-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Weerarka maanta lagu qaaday Godka Jilacow oo hada xarun u ah Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray dad badan oo isugu jira Ciidan iyo Shacab.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf oo Warbaahinta kula hadlay godka Jilacow ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay fashiliyeen Weerar qorsheesan ay maanta kusoo qaadeen Xarunta Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in weerarkii maanta lagu dilay 7-dagaalyahan oo katirsanaa Al-Shabaab kuwaa oo xarunta weeraray, waxaa sidoo kale Weerarkaasi ku dhintay afar qof oo kale oo sadax kamid ah ay ahaayeen Ciidamo katirsan Nabad Sugida

Weerarka Maanta Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Nabad Sugida Gobolka Banaadir ahna Xabsi lagu xiro dadka lasoo qabto ayaa imaanaya xili Shalay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay bilaabeen howlgal loogu magic daray Badweynta Hindiya.

jilicow1
jilicow2
jilicow3
jilicow4

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook