La ligaha Spain 2014-2015 oo Maanta Furmaya,Barcelona,Real madrid vs Ath.Madrid oo Afka lo galiyay Kooxo yaryar

Waxaa Maanat Garoomada Cariga Spain ka bilaaban doona Horyaalak dalkaasie e la ligaha Spain 2014- 2015 oo ay ka qeybgalayaan 20 Koox oo 3 ka mdia heerka 2 ay ka yimaadeen Xili ciyaareedkaan.

Lugta 1 ee Furitaanka u ah Horyaalka la lgaha Isbeyn 2014-2015 ayaa wararka ka imaanaya Spain waxa ay shegayaan in 3 naadi ee horyaalku sida gaarka ah ugu dhaxeeyoee kala ah Real Madrid,Barcelona iyo Atletico Madrid inay ku beegmeen Kooxo Tabar yar.

Hadaba kulmada dhici doona Usbucaan ee Lugta 1 ee Horyaalak Isbeyn sidaan ayey kooxuhu isku arki dooanan

Sabti 23-8-2014

Malaga vs Atletic Bilbao….. Waa kulan adag

Granada vs Deportivo La curuna

Sevilla vs Valencia. Ciyaarta ugu adag Usbuuca 1 ee La ligaha Spain 2014-2015

Almeria vs Espanyol
Axad 24-8-2014

Eiber vs Real Sociedad

Barcelona vs Elche

Celte Vigo vs Getafe

Levente vs Villarreal

Isniin 25-8-2014

Real Madrid vs Cordoba

Rayo Vallecano vs Atletico Madrid

N.B Loolanka Horyaalka la lgaha Spain 2014-2015 oo in mudo ah soo ahan jiray Mid u dhaxeeya 2 naadi aya sanadhaan danbe u diga rigtay 3 naadi,waxana la isweydiinyaa Xage ku dambeyn doonaa Dagalka u dhaxeeya 3 naadi ee lolanka horyaalku gaarka u yahay ee Real Madrid,Barcelona.vs Atletico Madrid oo waayadaan dab yar aan shideyn Balse Xili ciyaareedkaan la feentay lagalana Wareegay dhowr xidig oo Horyaalkii Hore kula Guuleystay Kooxda kuwaasoo u biyo shubtay Kooxda Chelsea iyo qaar aaday Kooxo kale walow badalkooda ay qaar heleen.

Cabdixakiin Cumar jimcaale oo ah Saxuufi Caan ah ayaa Sheegay in La ligaha Spain 2014-2015 uu ka duwan yahay kuwii ka horeeyay waxana uu Hoosta ka xariiqay inuu kalsooni buuran ku qabo in Kooxda u Taageero ee Real Madrid ay hanan doonto Horyaalka La ligaha Spian 2014-2015 walow Dagaalka Horyaalkuna meeshiisa yahay.

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2013@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook