Lampard oo tababar la qaatay kooxdiisa cusub

Halyeeygii hore ee kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa maanta la qaatay tababarkii ugu horeeyay kooxdiisa Man City kadib amaah 6 bilood ah oo uu ugu biiray kooxda ka dhisan magaalada Manchester.

Frank Lampard ayaa si xor ah uga tagay kooxdiisii hore ee Chelsea kadib markii ay u sheegeen inaysan doonayn inay heshiiska u kordhiyaan wuxuuna si rasmi ah ugu biiray kooxda New York City ee dalka maraykanka.

Man City ayaa ugu danbayntii amaah uga soo qaatay 36 jir kaan kooxda New York City, waxaana laga yabaa inuu ciyaaro kulanka axada ay Man City ka horjeedo kooxda Arsenal koobka Community Shield.

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook