Luis Nani Oo Si Aad Ah Loogu Soo Dhaweeyay Dalkiisa Portugal, Xilli Uu U Wareegay Naadiga Sporting Lisbon +SAWIRO

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Portugal ee mudada dheer ee 7 sano ah la joogay kooxda Manchester United Luis Nani ayaa haatan dib ugu gurya noqday dalkiisa hooyo ee Portugal xilli uu ku biiray kooxda Sporting Lisbon oo ah halka soo saartay magaciisa.

Xiddiga xulka Portugal Nani ayaa qaab amaah ah ugu ciyaari doona hal sano kadib markii ay sidaas isku afgarteen kooxda Manchester United, isagoona kooxdiisa United 177 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyay 40 gool.

Hadaba 27 sano jirkaan ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay caasimada Portugal ee Lisbon.

Si kastaba Luis Nani ayaa ayaa heshiiskiisu wuxuu qayb ka ahaa heshiiska ay Manchester United kula soo wareegtay daafaca Marcos Rojo oo ay ku qaateen lacag dhan £16milyan.

NANI1 NANI2

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook