Lukas Podolski Oo Kusii Jeeda Naadiga Galatasaray.

Weeraryahanka u dhashay xulka Germany una ciyaara naadiga Arsenal Lukas Podolski ayay Gunners doonaysaa in ay iska iibiso xilli xidigan ay xiiseynayso kooxda reer Turki ee Galatasaray oo doonaysa in ay xagaagan xiddigan hesho si ay uga faa,iidaysato khibradiisa mudadii uu kubadda cagta ku soo dhexjiray.

Sidoo kale kooxda reer Turkiga ee Galatasaray waxay dooneysaa weerarka kale ee Joel Campbell laakiinse ayaa loo badinayaa in aysan ogalaan doonin dalabka kale, xilli ay doonayso Arsenal in ay sii haysato weeraryahankooda Campbell si uu ula qabsado garoonka Emirates Stadium.

Hadaba sida uu sheegayo warsidaha The Sun kooxda reer Turki ee Galatasaray ayaa xagaagan doonaysa in ay xiddiga badan kooxdeeda keento balse ciyaaryahanadda ugu cadcad in ay la wareegto waxaa safka hore kaga jira weeraryahanka Arsenal ee Lukas Podolski.

Si kastaba 29 jirkaan Lukas Podolski ayaa kooxda Arsenal wuxuu kaga soo biiray naadiga Cologne xagaagii 2011 isagoona ugu yimid adduun lacageed gaaraya £11milyan.

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook