opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Macalinka Kooxda Arsenal oo Ka Carooday Kaarka La Siiyay Aaron Ramsey.

Share

Arsene Wenger oo ah Tababaraha kooxda ayaa shaaca ka qaaday inuu ka xanaaqay kaarkii gaduudka ama roosaha la siiyay xidigiisa Aaron Ramsey kulankii Besiktas ay la ciyaareen.

Kulankaan dhexmaray kooxaha Arsenal iyo Besiktas ayaa kusoo dhamaaday bar baro goolal la’aan ah waxaana lugta 2-aad lagu ciyaari doonaa guriga Arsenal waxayna Arsenal halis ugu jirtaa in ay ku harto sababtoo ah haddii gool laga dhaliyo wuxuu goolkaas noqonaa labo gool tusaale haddii Arsenal bar baro 1-1 ah lala galo wee ku hartaa waxayna u baahan tahay inay badiso oo kaliya oo ay dhaliso labo gool.

Aaron Ramsey ayaa ka maqnaan doonno lugta 2-aad Champions League ay Arsenal ku marti galinayso Emirates kooxda Besiktas.

“Labada Kaar ee Jaallaha ama Huruudka ah ee la siiyay Aaron Ramsey waa kuwo aan la aamini Karin ayuu yiri Arsene Wenger oo u waramayay ITV.

Tababare Arsene Wenger ayaaa u muuqday mid aan ku qanacsanayn labadii kaar ee looga saaray Aaron Ramsey Ciyaartii Besiktas oo loo taagay kaarka Roosaha ciyaarta oo 10 daqiiqo ka dhiman.

Arsenal ayaa u soo baxaysay heerka guruubyada Champions League 16-kii sanno ugu dambeeyay.

 

BARIIS WARDOON SPORTS
WARDOON.NET@GMAIL.COM

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook