Macalinka Xulka Arjantiin Oo Ku Dhawaaqay Kooxdiisii Ugu Horaysay Ee Xulka Argentina

Tababaraha cusub ee xulka qaranka Argentina Tata Martino ayaa ku dhawaaqay kooxdiisii kowaad tan iyo markii uu la wareegay shaqada cusub ee xulkiisa Argentina. Martino ayaa lagu badalay booskii uu iska casilay tababarihii hore ee xulka qaranka Argentina Alejandro Sabella.

Martino ayaa kooxdiisa ugu horaysa ka dhigay 20 ciyaartoy, waxayna kooxdani la ciyaari doontaa kulanka saaxiibtinimo ee dhex maridoona xulkii koobka aduunka ka qaaday Argentina ee Jarmalka. Kooxda Martino magacaabay ayayna wax dadka ka yaabiyaa ku jirin wuxuuna soo doortay dhamaan ciyaartodii uu Alejandro Sabella la tagay tartankii koobka aduunka marka laga reebo Fernando Gago, Agustin Orion iyo Maxi Rodriguez oo iyaga ka tagay.

Kooxda Martino ee Argentina:

Goolyayaasha: Sergio Romero (Sampdoria), Mariano Andujar (Napoli);

Difaaca: Pablo Zabaleta (Manchester City), Federico Fernandez (Napoli), Ezequiel Garay (Zenit St Petersburg), Marcos Rojo (Manchester United), Hugo Campagnaro (Inter Milan), Martin Demichelis (Manchester City), Jose Basanta (Fiorentina);

Dhexda: Javier Mascherano (Barcelona), Lucas Biglia (Lazio), Ricardo Alvarez (Inter Milan), Augusto Fernandez (Celta Vigo), Angel Di Maria (Real Madrid), Enzo Perez (Benfica);

Weerarka: Lionel Messi (Barcelona), Gonzalo Higuain (Napoli), Sergio Aguero (Manchester City), Rodrigo Palacio (Inter Milan), Ezequiel Lavezzi (Paris Saint-Germain).

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook